Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Somaliland oo Xukuumadda ku Dhaliilay biriishka dumay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Qaran news)- Xildhibaan Eng. Cabdixakiin Maxamed Muxumed oo ja tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Xukuumadda ku naqdiyay biriishka Cabaad weyne oo lacag badani ku baxday oo dumay.

Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu warbaahinta ugu talogalay oo u qornaa sidan:-
F_HsMobWkAI28Ek.jpeg

F_HsM93XkAAH2Y1.jpeg
“Waa nasiib darro Buundo ( Biriij ) hadda la dhisay oo sannad gudihii burburtay sida Buundada Dooxa Cabaad-wayne.

Waxay muujinasaa sida Buundooyinka ( Biriijyada) mashruuca Marinka Berbera ( Berbera Corridor) tayadiisu u hoosayso oo Dooxyada loogu buuxiyay Ciid ( Dhoobo Dhari) , Ciidda oo aan awood u lahayn inay iska caabiso Mowjada awoodda biyaha ee Dooxa, halkii ay ahayd in loo dhamays tiro Dhererka Biriijka dhismaha Sag-badda( Bridge structure span).

Waxa gabi ahaan ba meesha ka maqan kaalintii la xisaabtan ka ee tayada Mashruuca ee Waddada iyo Biriijyada ee Masuuliyadda 1aad leeyihiin Gudida Mashruuca u xil-saaran, Masuuliyadda 2aad Hay’ada Horumarinta Waddooyinka, masuuliyadda 3aad Wasaaradda Horumarinta Jidadka iyo Golaha Wakiilada oo gabi ahaan ba kaalintiisii la xisaabtan ee Hay’adahaasi gabay iyo Xisbiyada Mucaaradka.

Qaybta Biriijyada ee Mashruucani wuxuu u muuqdaa Mashruucii Faanoole oo ay rabto shirkadda dhisaysaa in kolba dib u dhisto Biriijyada oo Qandaraas cusub ugu qaadato Dhismaha Biriijyada halka markii hore ay ahayd in tayadiisa lagula xisaaabtamo.

Dal walba waxa ilaashada Dadkiisa iyo Masuuliyiintiisa , Mashruuc kasta oo laguugu Deeqo inaad si lexejeclo leh u ilaashataa waa waajib ku saaran , laakiin waajibkaa waxa ka gaabiyay Hay’adahii shaqadooda ahayd, waana ayaan-darro.

Hadal iyo Dhoobo-dhari (Sand) Biriij lagu buuxiyaa waxba tari maayaan ee ina Xisaabiya.

Golaha wakiilada oo kaalintiisii la xisaabtan ka gaabiyay, hadal haama lagama buuxshee , kaalintiisii ha guto”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this