Sign in to follow this  
Deeq A.

Hargeisa: Shan cisho gudahood oo Laba ciidanka booliska ka tirsan oo si shil ah ay xabadi u dishay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada booliska ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa si buuxda amnigii iyo kalsoonidii shicibka xaafadaha magaallada u soo celiyay kadib markii ay ciidamo boolis ah oo tiro badan habaynkii ay xaafadaha magaalasa ay kor meetaan gaar ahaan meelaha laga cabanaayo.

Waxa jirta dhalinyaro habaynkii xaafadaha dhexdooda amni daro ka sameeya oo dumarka mobilada ka qaada iyada oo ay jiraan qaar baabuur wata oo duleedka uga baxa magaalada kuwaasi oo ay boolisku hubiyaan amnigoida iyo u jeedadoida.

Hadaba xiliyada ay boolisku hawlahaasi ku guda jiraan waxa soo gaadha khasaare waxa jirta in 4 cisho ka hor askar boolis ah oo hawlo shaqo ku jiraa uu xabad uu riday ay ku dhacday askarigii la socday isla goobtaasina uu ku dhintay shilkaasi oo ka dhacay dhanka waqooyi bari ee caasimadda.

Shil kaas la mid ah ayaa isna xalay ka dhacay xaafada Maxamed Mooge kadib markii askar amniga sugaysay oo kala kaxaynaysay ciyaal xaafada rabshaayay uu askari xabad uu riday ay ku dhacday askari kale oo hawlgalka kula jiray halkaasi oo uu askarigii uu markiiba ku geeriyooday.

Todobaadkani gudihii waa askarigii labaad ee shilkaasi ku dhinta.

Waxbana kama jiraan dacaayada ay cadawgu baahinayaan ee ah in hab qabiilaysan booliska dhintay loo dilay

Tani waa arin si shil ah u dhacday kadib markii aanu samaynay dabo gal.

Waxana haboon in shicibku ay si buuxda ula shaqeeyaan ciidamada Booliska ee hadh iyo habayn u taagan sugida amnigooda

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this