Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare oo Sharraxay Qaabka Dawladda dhexe u Maamushay 12 Qol oo la sheegay in la iibiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare oo Sharraxay Qaabka Dawladda dhexe u Maamushay 12 Qol oo la sheegay in la iibiyay

Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa sheegay in Dawladda Hoose aanay iibin wax dhul ah oo ku yaalla Suuqa Waaheen ee gubtay.

Waxase uu sheegay in dawladda dhexe oo dagaal kula jirta golaha deegaanku ay dhabqiyeen dhismaha suuqaas.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in aanu jirin meel Maayarku wax ka saxeexay oo laga saaray saxeexii uu ku lahaa suuqa Waaheen isla markaana uu saxeexay ku tagrifalka 12 qol Wasiirkii xilka laga qaaday ee Albaani.

Xildhibaan Yaasiin waxa uu sheegay in horumarka iyo shaqada daacadnimada leh ee golahooda deegaanku ay hayaan in mudo ahba laga soo hor jeeday carqalado badana lagu kiciyay iyada oo aan wax dhib ah aan loo gaysan jirin golayaashii deegaanka ee hore

Golaha deegaanka ee uu hogaamiyo Maayar Mooge ayaa ah golhii ugu wax qabadka badnaa ee caasimada soo mara tan iyo mudo aad u dheer.

Waxana haboon in dawlada dhexe iyo shicibkuba is garab taagaan wixii ka qaldamana si haboon loogu sheego si ay u sii laban laabaan wax qabadka muuqda ee ay inoo bilaabeen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this