Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh ‘waa la jooga iyo waa la jira’ farqi ayaa u dhaxeeya

Recommended Posts

Deeq A.   
401747613_698307342398415_50707094209351

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la soo wariyay in xubnaha Golaha Wasiirrada uu Isniintii ku canaantay inay ka gaabiyeen iibinta siyaasadda xilli xukunkiisa iyo wax ku biirinta shaqooyinka waaweyn ee horyaalla.

Wuxuu ahaa kulan aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirrada yeesheen, oo uu shir-guddoomiyay madaxweynaha. Ma cusba in qofka dalka ugu sarreeya uu dhaliilo xubnaha xilalka ka haya dowladiisa, haddii ay ka jiiftaan shaqooyinka hortabinta u leh dalka ama muddo xileedkiisa.

Laakiin Xasan Sheekh yaa la jira yaase la jooga? Muxuuse madaxweynaha saluugsan yahay ayaa ah waydiimaha ku gadaaman farriintan.

Lixda arrimood ee ugu waaweyn howlaha madaxweyne Xasan Sheekh sida joogtada ah uga shaqeeyo xilligaan hal ama laba wasiir unba wax ku biirisa, xubnaha kale ee Golaha Wasiirrada xaflado aan mira-dhal aheyn, safaro aan muhiim aheyn iyo danno shaqsi ah ayay waqtigii ku dhameeyeen ayay leeyihiin dadka dhaliisha madaxweynaha taageersan.

Dagaalka ka dhanka ah argagixisada, shaqada deyn cafinta, wax beddelka Dastuurka, shaqada cuna-qabateynta hubka, ku biirista bulshada Bariga Afrika iyo kobcinta dakhliga gudaha ayaa miiska u saaran madaxweyne Xasan Sheekh.

Inuu is weydiiyo ayaa lixdan kala shaqeeya oo kooxdaada ah wax dambi ah ma ahan.

Inta badan xubnaha Golaha Wasiirrada oo aheyd in qolo walba kaalin gaar ah ka qaadato lixdan shaqo uma muuqdan kuwo wax badan ka geysanaya dadaalka madaxweynaha.

Sidoo kale madaxweynaha wuxuu rabaa meel-marinta qaar kamid ah qoddobadii heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran, taasi oo u baahan wax ka bedel Dastuur.

Xukuumadda waa laba koox, qaar waa koox ka timid xisbiga madaxweynaha ee UDP, qolona waa kuwo si iskood ah ama dariiq saaxiibtinimo kusoo raacay tareenka madaxweynaha.

Xubnaha Golaha Wasiirrada qaar 100% ayay ku siyaasad yihiin madaxweynaha, qaarna way la shaqeystaan ee ku siyaasad ma ahan.

Hal sano iyo lix billood ayuu xilka hayaa madaxweyne Xasan Sheekh, waana marxalad uu ku kala baran karo yaa kula jooga, yaase kula jira?.

Waxaa laga yaaba in aad isweydiineyso maxaa farqi ah oo u dhaxeeya labada erey ee la jirid iyo la joogid.

Marka la adeegsanayo la joogid waa dad isku meel ku sugan balse kala xaalad, kala fikir iyo hadaf noqon kara.

Laakiin marka aad isticmaaleyso la jirid waa qof aad kula jira oo isku dhinac wax u wadaan, isku cadow tihiin, oo guusha iyo guul-darradaba aad shirko ku tihiin.

Waxaa la jooga xilligii Xasan Sheekh kala shaandheyn lahaa kooxda, oo uu u kala saari lahaa yaa kula jira iyo yaase kula jooga.

Sida uu madaxweynaha u arko guusha nidaamkiisa waa saxnaan karta, waana qaldanaan karta, laakiin qofka ay ku aday tahay inuu iibiyo sida uu madaxweynaha u arko guusha xukunkiisa iyo xaalka dalka, haddana xil ka haya nidaamkiisa, lagana yaabo inuu waayay meel hoose oo uu tallo ka dhiibto, waxaana u furan inuu banaanka tago oo uu xilka iska dhiibo, oo uusan iska dhaadhicin iska joog, xilka iska hayso oo xoolana aruurso.

Koox walba oo xukunka qabsata qaab ayay u aragtaa inuu dalka ku hagaagi karo, waxayna u baahan yihiin inay xilalka u dhiibtan dad ay fikirkaas wadaagaan, shaqadana yaqaana.

Xasan Sheekh hadda waa soo jeestay sida muuqata, ma qarsoona inay xukuumadda ku jiraan xubno diidan siyaasadiisa oo maqaayadaha iyo goobaha lagu kulmo ayay taas la fadhiyaan wasiirada qaar, umana badna in uusan Xasan xogtooda ogeyn.

Inta uusan isaga iska saarin inta iskala joogta, waxaa la gudboon xubnaha aan guusha uga muuqan jihada madaxweynaha dalka u wado inay xilalka iskaga tagaan oo aanay Xasan xilli xukunkiisa ku dhex jalaafin.

Madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu rabo inuu hirgeliyo waxa uu aaminsan yahay waa inuu qaata aragtida yaa kula jira oo uu iska tuura aragtida yaa kula joogi kara, sababtoo ah fikir waxaa iibin kara qofkii aaminsan ee sax u arka.

The post Madaxweyne Xasan Sheekh ‘waa la jooga iyo waa la jira’ farqi ayaa u dhaxeeya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this