Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumanaan rayid ah oo qarka u saaran in ay ku dhintaan weerarada Israa’iil ee QASA

Recommended Posts

Deeq A.   
shifa.webp?resize=770%2C578&ssl=1

Duqeymaha Israa’iil ayaa weli ka sii socda guud ahaan marinka QASA, iyadoo halis dhimasho ay ku jiraan kumanaan falastiiniyiin ah oo ku xayiran cisbitaalka al-Shifa oo la tilmaamay in ay la so derseen biyo la’aan, cunto la’aan iyo koronto ka’aan.

Af hayeenka wasaaradda caafimaadka marinka QASA Ashraf al-Qudra ayaa yiri “kumanaan isugu jira haween, caruur iyo bukaanno dhaawac ah ayaa halis ugu jira dhimasho” iyadoo duqeymaha Israa’iil ay ku hayaan al-Shifa ay socdaan habeenkii saddexaad.

Cisbitaalka Indonesia ee ku yaalla waqooyiga Gaza ayaa la sheegay in gebi ahaanba uu ka maqan yahay adeegga korontada,waxaana dhakhaatiirtu ay la daalaadhacayaan daweynta bukaanada aan awoodin inay daryeel ka helaan al-Shifa.

Ugu yaraan 11470 qof ayaa lagu dilay duqaymaha Israail ee QASA tan iyo Oktoobar 7, halka Israa’iil tirada rasmiga ah ee ku dhimatay dagaalka ay marayso in ka badan 1200.

PUNTLAND POST

The post Kumanaan rayid ah oo qarka u saaran in ay ku dhintaan weerarada Israa’iil ee QASA appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this