Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka arimaha gudaha oo la Kulmay Guddoomiyeyaasha Gobollada

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20231116-WA0007.jpg
Hargeysa(Qaran):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyeyaasha Gobollada Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed waxa kulankan ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Yusuuf Ismaaciil.

Waxa kulankaas laga wada hadleen Wasiirka iyo Guddoomiyeyaasha Gobollada dalku dardargelinta shaqada muhiim ka ah ee ay Guddoomiyeyaashu Qaranka u hayaan, adkaynta nabadgelyada guud ee Dalka, wada shaqaynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Gudoomiyeyaasha iyo hor-u-marinta dhinaca waxqabadka Xukuumadda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this