Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka kulanka uu guddoomiyay AADAN MADOOBE? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1700143732320.jpg?fit=1080%2C720&

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah ee golaha, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiye  ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo xubnaha guddiga joogtada ah.

Ujeedka kulankan oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ayaa ajandihiisa waxa uu ahaa ansixinta iyo mudeynta furitaanka kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka labadiisa aqal.

Ugu horreyn guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa warbixin ka jeediyay kulanka,  isaga oo mid mid u dul istaagay safaradii uu ku tegay dalalka Talyaaniga, Mareykanka iyo safaro gaagaaban oo uu ku bixiyay qeybo ka mid ah gudaha dalka.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu go’aamiyay in kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka la furo ugu dambeyn 25 bishaan Novermber ee 2023-ka, ayada oo uu daahfuri doono Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeedin doono labada gole ee baarlamaanka dalka

“Fadhiga maanta ayaa ku soo gabagaboobay in kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu si rasmi ah u furmo Sabti 25-November-2023-ka” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa muddooyinkii dambe fasax ku maqnaa, waxaana qaarkood ay aadeen jiidda hore ee dagaalka, si ay u dhiirageliyaan ciidamada, kuwa kalena waxa ay u safreen dalka dibaddiisa.

Si kastaba, kalfadhigan 4-aad ayaa waxaa labada gole u taalla shaqo adag oo ugu muhiisan tahay meel-9marinta shuruucda hortaallo iyo dhammeystirka dastuurka dalka.

FB_IMG_1700143768522.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1700143763395.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1700143757635.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1700143751177.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1700143745085.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1700143742618.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1700143740013.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1700143737188.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1700143732320.jpg?resize=696%2C46

The post Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka kulanka uu guddoomiyay AADAN MADOOBE? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this