Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo shir isugu yeeray saraakiisha ciidamada iyo arrimaha laga hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   
91461a1c-9fd3-4032-a960-595c355eaac5.jpe

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo uu kala hadlay xaaladda amni ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ka dhagaystay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka warbixin ku saabsan wajiga koowaad ee howlgalka xoreynta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in hirgalinta qorshaha mudada dhow ay horseedayso  guulaha ay sugayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan ciribtirka Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey naf-hurnimada Ciidanka Soomaaliyeed ee u istaagay xoreyta deegaannada ay argagixisadu kaga harsan yihiin dalka.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu xusay intii uu socday kulankaas in abaabulka xoogagga dadweynaha ay wax weyn ka tari doonto halganka.

Kulankan waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxuyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin.

Howlgalkaan waxaa lagu dul-istaagay wadatashiyo ku saabsan sidii deg deg kooxda Al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaanada ay ka joogaan gobollada dhexe ee dalka.

Masuuliyiinta ayaa shirkaas ku kala qaatay waajibaad ku saabsan dagaalka Al-Shabaab oo hadda muhiimadda koowaad ay siineyso dowladda Soomaaliya.

91461a1c-9fd3-4032-a960-595c355eaac5.jpe c77ba29b-1aca-4fa3-9a56-2e46e90fe293.jpe 93ca61e0-580d-4f69-b536-1b1addc87bdc.jpe d6e09db4-14cc-4ba7-9af0-cbaab8546379.jpe 70946f55-6809-4b16-a344-9e84ebf81d05.jpe 71084902-38c5-4bab-9e3e-b57baacee06a.jpe 725e64f9-6701-4e6e-80cb-0602b6d00c4e.jpe

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo shir isugu yeeray saraakiisha ciidamada iyo arrimaha laga hadlay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this