Deeq A. Posted November 16, 2023 Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping oo booqasho ku tagay dalka Mareykanka. Madaxweynaha Shiinaha ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha [Asia-Pacific Economic Cooperation] (APEC) oo ka dhacaya magaalada San Francisco. Labada hoggaamiye ayaa kulamo gaar ah yeelan doona intuu shirkaasi socdo. Waxayna si gaar ah diirada u saari doonaan xiisada millatari iyo ganacsi ee u dhaxeysa labada dal. Waa kulankii ugu horreeyey oo ay yeeshaan labada hoggaamiye muddo sannado ah. Qodobada ugu waaweyn ee Mareykanka iyo Shiinaha isku hayaan ayaa waxa kamid ah, arrimaha Taiwan iyo Kuuriyada Waqooyi, dagaalka Gaza & Ukraine. Source Share this post Link to post Share on other sites