Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo la Kulmay Madaxda Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland oo la Kulmay Madaxda Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE.
IMG-20231116-WA0004.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu weheliyo siyaasi Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka mida ah Hoggaanka Xisbiga WADDANI iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga KULMIYE mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Sulub Maxamed.

Waxaana kulanka la iskaga xog waraystay guud ahaan xaaladda dalka, waxaana la isla qaaday in loo midoobo difaaca Qaranka, mudnaantana la siiyo midnimada iyo danaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa sidoo kale laga wada hadlay doorashooyinka ku soo foolka leh dalka, waxaana la isla qaatay in Komishanka Doorashooyinka Qaranka looga dambeeyo arrimaha khuseeya doorashooyinka.

Ugu danbayna waxa kulankaasi ku soo dhamaaday is afgarad buuxa iyo wada jirka danaha qaranka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this