Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Turkiga oo Israa’iil ku tilmaamay dowlad Argagixiso ah

Recommended Posts

Deeq A.   
d3421c28-659e-468d-8a72-3da419d80538_w40

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dowlad argagaxiso ah oo danbiyo dagaal ka geysatay Gaza, kuna xad-gudubtay sharciga caalamiga ah.

Erdogan ayaa sheegay in ololaha milatari ee Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ay ka mid yihiin “weeraradii ugu khiyaanada badnaa ee taariikhda aadanaha” iyadoo aysan xad lahayn taageerada Israa’iil ka helayso reer galbeedka.

Waxa uu ku baaqay in hoggaamiyayaasha Israa’iil lagu xukumo dembiyo dagaal, lana horkeeno maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague, wuxuuna ku celiyay aragtidiisa iyo mawqifka Turkiga ee ah in Xamaas aanay ahayn urur argagixiso.

Britain, Mareykanka, Midowga Yurub iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa Xamaas u arka koox argagixiso ah, iyaga oo ka fikir duwan Turkiga.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Turkiga oo Israa’iil ku tilmaamay dowlad Argagixiso ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this