Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Ha’adaha Gargaarka oo kulan degdeg ah ka yeeshay Fatahaadda Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1700123698606.jpg?resize=720%2C48

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo ay ka qeybgaleen  Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah kaasi oo ku saabsan xaaladda Biyaha kusoo fatahay Degmada Gaalkacyo iyo Sidii wax looga qaban lahaa saameynta ka dhalatay .

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta Gaalkacyo ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka, Iyadoo Kulanka ay sidoo  kale ka qeybgaleen Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Shirka waxaa looga hadlay:

1. In magalaada biyaha laga saaro.
2. Sidii looga hortagi lahaa cudurada faafa.
3. Sidii loogu gargaari laha  dadka waxyeeladu kasoo gaartay.
4. Iyo Qorshaha wakhtiga dheer ee xalka biyaha magalaada.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa muujiyey sida dhow ee Dowladdu ula socoto xaaladda Roobabka, gaar ahaan daadka kusoo rogmaday Gaalkacyo, iyadoo hore Dowladdu Guddi Wasiiro ah u dirtay Gaalkacyo, hadana waxaa la qorsheynaya sidii magaalada looga saari lahaa xaaladda fatahaad ee ka jirta. 

FB_IMG_1700123736772.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1700123731381.jpg?resize=719%2C48 FB_IMG_1700123706330.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1700123763923.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1700123702422-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1700123773811.jpg?resize=720%2C48

The post Puntland iyo Ha’adaha Gargaarka oo kulan degdeg ah ka yeeshay Fatahaadda Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this