Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Daahir Aweys oo codsi yaab leh u dirsaday R/W Xamza

Recommended Posts

Deeq A.   
gettyimages-87981747-2048x2048-1.jpg?fit

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Daahir Aweys, wadaadka mayalka adag ee u xiran dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay wadahadal ka dalbaday madaxda Qaranka, kadib 11 sano oo xabsi guri uu ku yahay Muqdisho.

Xasan Daahir oo iska soo duubay muuqaal 10 daqiiqo ah ayaa wadahadalkaan ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre.

Wuxuu Xasan sheegay in Xamza Barre uu yahay nin ahlu diin ah, isagoo aad u soo dhaweeyey, kuna farxay mowqifkii uu kaga hadlay xiisadda ka dhex qaraxday shacabka dulman ee reer Falastiin iyo Yahuuda.

”Waa nin ku fiican Qur’aanka oo yaqaana, caalamkana wax kala socda oo jaamacado ka soo dhigtay, waxaana ka codsanayaa in Xamse ii suurtageliyo inaan ka wadahadalno arrimaheena,” ayuu yiri Xasan Daahir.

Xasan Daahir ayaa Ra’iisul Wasaaraha u diray warqad codsi ah, isagoo sheegay inuu rajo badan ka qabo inuu ka heli doono jawaabta ugu haboon.

”11 sano ayaan u xiranahay dowladda, waxaan is iri farriin u dirso Ra’iisul Wasaaraha mid qoraal ahna waan u diray, waana rajeynayaa inuu iiga soo jawaabi doono,” ayuu yiri Xasan Daahir.

Sidoo kale Xasan Daahir wuxuu muuqaalkaan ku dalbanayaa in Ra’iisul Wasaaruhu uu ugu yimaado guriga uu cabsi guriga ku yahay.

“Nn anigu aan sameeyo marti qaadka waxaan filayaa inay culeys badan ka dejineyso ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri Xasan Daahir.

Sheekh Xasan Daahir oo dowladda ugu xiraa mayal adeygiisa, maadaama uu ka soo goostay ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa hadda u muuqda inuu soo jilcay oo diyaar uu u yahay inuu ka soo tanaasulo fikirkiisa, isla markaana uu doonayo inuu wadahadal la furo dowladda.

 

The post Xasan Daahir Aweys oo codsi yaab leh u dirsaday R/W Xamza appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this