Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo qaabilay saraakiil ka socday Qaramada Midoobay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay wehelinayeen Agaasimaha Fullinta ee Guddida Xuquuqul Insaanka Qaranka Cabdisamad Sacad Xasan, Lataliyaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur iyo madaxa tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay khaburro madax banaan oo Qaramada Midoobay kala shaqeeya arrimaha xuquuqul Insaanka Somaliland iyo Soomaaliya Isha Dyfan iyo Sandra Oyella oo ay wehelinaysay Fadxiya Cabdilaahi Axmed.

Guddoomiyaha ayaa soo dhaweeyay saraakiisha ka socotay Qaramada Midoobay, waxaanu uga mahadceliyay socdaalka ay ku soo booqdeen Maxkamadda Sare.

Ujeedada booqashada saraakiisha ka socday Qaramada Midoobay ayaa la xidhiidhay warbixin ay ka diyaarinayeen arrimaha xuquuqul insaanka iyo horumarada kale ee Garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa warbixin ka siiyay dib-u-habaynta lagu sameeyay Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland muddooyinkii u danbeeyay, geedi-socodka togan ee uu ku talaabsaday iyo doorka uu kaga jiro ilaalinta xuquuqda aadanaha. Guddoomiyaha ayaa tibaaxay shaqada baaxada leh ee Garsoorka dalka iyo doorka balaadhinta Maxkamadaha Guurguura oo bulshada ugu taga deegaanada ay ku suganyihiin.

Khabiir Isha Dyfan ayaa geesteeda xustay in ay ku faraxsantahay waxqabadka wanaagsan ee Garsoorka, waxaanay sheegtay in warbixintanta ka horjeedin doonto Qaramada Midoobay, kulankuna wuxuu ku soo geba-geboobay jawi degen.

Wa bilaahi tawfiiq.

Ibraahim Maxamed Cali

Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare JSL

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this