Rokko Posted December 6, 2003 Allah finally answered people's prayers and rain comes to Puntland .... Radio Lascaanood 05.12.2003. Magaalooyin doora oo u badan gobolada Sool iyo Sanaag ayaa xoolo badani ku dhinteen kadib markii roob mudo dheer hayey. Roob mudo dheer hayay ayaa ka da`ay degaano door ah kaasi oo waxyeelo xoogle gaadhsiiyey xoolo tiro badan kuwaasi oo awal ba ahaa kuwo aanay tamar toodu wanaagsanayn kadib markii ay waayeen waxay ku noolaan lahaayeen. Magaalada Awrboogays ayaa waxa laga soo sheegayaa inay saaka dad badani gurmad u soo doonteen magaalada iyadoo uu roob aad u wanaagsani helay kuwaasi oo sheegay in xoolihii ay kici waayeen qaarbadanina ay dhinteen kadib markii ay dardhadeen. Magaalooyinka kale ee iyagana laga soo sheegayo waxyeelada ayaa waxa ka mid ah Fiqi fuliye, Kulaal, Dararweyne, Hadaaftimo, Domco, Xamar lagu xidh, Taleex,iyo Bali Cad oo dhamaantood raab wanaagsani helay. Baraagihii way buuxsameen, dadka badankiisuna way ku badhaadheen in kasta oo loo baahnaa laguna farxay hadan dhibaatooyin badan ayay dadku ilaa xalay la kulmeen. Magaalooyinka Xudun, Buuhoodle iyo Widhwidh ayaa iyagu sheegay ina magaalooyinka ay heleen raabab qabowsin ah halka ay sheegeen inay dhulka ku xeerani si fiican u doogsadeen. Magaalada Laascaanood ayaa roobku hayey in ka badan 10 saacadood in kasta oo uu u badnaa gabaxle hase yeeshee saaka baraaguhu way buuxeen badankoodu dhulka dhiiqo ayaa lala mari la` yahay. Degaano dhawra ayaa weli roob helin sida Sarmaanyo iyo ceel bu Xidhxidh, Qoriley Karin gorfood iyo Karin dabayl weyn oo la sheegay inay dadkii saakaba ay ka hayaameen una keceen dhulka u dhow dhow si ay u badbaadiyaan xaymaha u hadhay. Waxaan noo suura gelin inaan la xidhiidhno degmooyin dhawr ah kuwaasi oo ilaa iyo haatan aan la ogayn waxay qayb u heleen raxmaadkii Illaahay u shubay umadiisa. Dadka iyo duunyada degaanadaasiba waxay ahaayeen kuwo jilcay taasi oo keeni karta inay waxyeelo xooglihi soo gaadho inta dhulku noolaanayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Rahima Posted December 6, 2003 Allahu Akbar. Walaahi so many people have suffered, inshallah they shall regain their strength. Just today a friend of mine and I were discussing the drought problem in Somalia and the number of people that have died so far and then I read this good news. Alxamdullilah. Mahadsanid walaal. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Modesty Posted December 7, 2003 Alhamdullilah, finally rain has come! Quote Share this post Link to post Share on other sites