Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadka degen Deegaanka Gumar ee Duleedka Hargeysa oo u dhimanayaa Adeeg La’aan Caafimaad

Recommended Posts

Deeq A.   

“Deegaanka Gumar ee Duleedka Hargeysa ayaa loogu dhimanayaa Adeeg La’aan Caafimaad” Afhayeenka Garabka Dhallinyarada WADDANI

IMG-20231115-WA0006.jpg

32 Sanno kedib deegaanka Gumar oo Hargeysa u jirta waxkayar 42km ayaa loogu dhimanayaa adeeg la’aan caafimaad, oo ah adeegga ugu yar ee caafimaadka bulshada [Basic community health service]
Hooyo muwaadinad ah ayaa ugu dhimatay Umul Aroor [Maternal Mortality]

Waxa nasiib darro ah deegaankaas dayaca loogu dhimanayo inaanay lahayn darajada ugu hooseysa goobaha caafimaadka [Health Post] oo qalabaysan dhakhaatiirtii loo baahnaana aanay joogin.

Xukuumadda faashilka ah ee Kulmiye, ilaa haatan kama hadal, kama falcelin, qorshena kama laha inaan musiibadaasi soo laaban.
Dhacdadan mid ka yar ayaa keenta iscasilaad marka damiirku shaqaynayo iyo xilka qaadis marka isla xisaabtan jiro.

Allah waxaan uga baryaynaa naxariisti jano marxuumaddaas ehelkeedina samir iyo iimaan kasiiyo. Aamiin

Afhayeenka Garabka Dhallinyarada Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Ismaaciil

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this