Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo ka degay Burundi, lana kulmay dhiggiisa dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   
401583925_767465455424596_37483160238879

Bujumbura (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo oo Maalin ah ku tagay dalka Burundi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa halkaasi waxa uu kulammo kula qaadanaya Madaxweynaha dalkaasi Mudane Évariste Ndayishimiye.

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada dalkaasi ayaa safarkiisu waxa uu ku qotomaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo abaabulka dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, maadaama dalka Burundi uu safka hore kaga jiro dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Xasan Sheekh ayaa kala hadlaya dhiggiisa dalka Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye oo ah guddoomiyaha dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) sidii loo dadajin lahaa dhameystirka galka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ku biirista dalladdan oo fursad u noqonaysa ganacsiga iyo isu-socodka dadka Soomaaliyeed.

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya booqashadan ayaa kulammo kala duwan la qaadan doona dhiggooda dalka Burundi.

Waxa uuna Madaxweynuhu uga mahad-celiyey dhiggiisa dalkaasi, shacabka iyo dowladda Burundi soo dhaweynta walaalnimada ah ee ay u muujiyeen iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo ka mid ah dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Waxaana geba-gabo ah wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab oo kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, ayada oo looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

401583925_767465455424596_37483160238879

401591450_767465232091285_21766686982126

399613305_767465322091276_31841135404745

399634880_767465258757949_66568931469921

399627784_767465345424607_26617027774462

401559436_767465385424603_48275764809249

The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo ka degay Burundi, lana kulmay dhiggiisa dalkaasi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this