Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta Sacuudiga uu Somalia ula galay heshiis uusan inta badan la galin dowladdaha Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
398617398_670507308536869_20241956855316

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga waxay galeen heshiis ka duwan noocyadii labadaan waddan ay hore u gali jireen.

Magaalada Riyaad ee xarunta Boqortooyada Sacuudiga waxaa dhawaan heshiis ku kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Sacuudiga Naasir Bin Abdiaziz.

Nooca heshiisku waa amni. Horey labadaan waddan uma dhex-marin heshiis la xiriira arrimaha amniga. Wuxuu kusoo aadaya xilli dowladda federaalka ah ee Soomaaliya qaaday dagaal dhab ah oo ka dhan ah kooxaha argagixisada.

Inay Sacuudiga xilligaan heshiis iskaashi oo xaga amniga ah la galaan Soomaaliya, waxaa loo baddinayaa codsi dhanka Muqdisho ka yimid, taasi oo raadineysa inay hesho dalal ka caawiya baahiyaha dagaalka sida; hubka, saadka iyo dhaqaalaha.

Wejiga koowaad ee heshiiskan waxaa faa’iido weyn qabta Soomaaliya. Dadka qaar waxay la barbar dhigayaan heshiiskan kii ay hore u gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Xilli dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta ay muddo sanad ka badan bixineyso mushaarka ciidamada loo yaqaano Boolis Milataaro, oo kamid ah ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo sidoo kale bixiyeen kharashkii lagu soo tababaray.

Inta badan Sacuudiga ma galo heshiisyo noocaan ah oo la xiriira arrimaha amniga, laakiin dunidan sii holcaysa, oo ay fadhiyada caalamka hareeyeen dooddo la xiriira arrimaha amniga, Riyaad waa u baahan tahay codka dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Labadaan waddan ayaa ku wada jira dhowr urur oo Jaamacada Carabta iyo ururka Iskaashiga Islaamka kamid yihiin.

Heshiiskaan dhex-maray dowladdaha Sacuudiga iyo Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay isku diyaarineyso inay amniga guud ee dalka kala wareegto ciidanka Midowga Afrika ee loo yaqaano ATMIS.

Sacuudiga inta badan heshiiska noocaan ah lama galo dowladaha qaar, gaar ahaan kuwa Afrika. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay muujinaysa sida ay uga go’an tahay inay gaarto isku filnaansho amni.

Heshiisyada noocaan ahna waxaa loo arkaa abuurista illo kale oo kaalmeyn kara laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

Cilaaqaadka Sacuudiga iyo Soomaaliya ayaa hoos jiray tan iyo markii uu dhacay khilaafkii waddamada Khaliijka, markaas oo ay Soomaaliya af ahaan u qaadatay mowqif dhexe, balse ay ficil ahaan ula safatay waddanka Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo nidaamkiisu waxay u muuqdaan kuwo soo bandhigaya siyaasad arrimo dibadeed oo ku dhisan is ogol iyo wax wada qabsi, taasi oo caawinaysa Soomaaliya oo ku jirta dagaal argagixiso, bixitaan ATMIS ah iyo olole looga qaadayo cuna-qabateynta hubka.

The post Sababta Sacuudiga uu Somalia ula galay heshiis uusan inta badan la galin dowladdaha Afrika appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this