Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee Colaadda degaanka Buq-dharkayn ee galbeedka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya galbeedka gobolka Sool ayaa sheegaya in weli Somaliland maleeshiyaad ururis ah ku soo daabulayso duleedka Buq-dharkayn.

Ciidamadii furimaha ku jabay ee Somaliland oo ay weheliyaan macawisleey laga soo ururshay beelaha ayaa sida lagu soo warramayo hadda ku sugan nawaaxiga Goldheero oo in yar u jirta jiidda Buq-dharkayn.

Wararka ayaa intaas ku daraya in cutubyo ka tirsan ciidamada SSC oo sugaya Amniga degaanka Buq-dharkayn ay hore ugu siqayaan dhinaca buurta Goldheero si ay u kala eryaan maleeshiyaadka soo duulay.

Xiisadda dagaal ee labada dhinac ayaa sii kordhaysay saacadihii u danbeeyay waxaana shalay jiiddaas laga maqlay deryanka hubka culus inkastoo aanu shalay dagaal toos ah dhicin.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee Colaadda degaanka Buq-dharkayn ee galbeedka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this