Sign in to follow this  
Deeq A.

Biden iyo Wasiiradiisa oo lagu soo oogay dacwad la xadhiidha Xasuuqa Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Ehelada dadka lagu xasuuqa Gaza oo heysta dhalashada Mareykanka ayaa dacwad kusoo oogay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Dacwadan Madaniga ah ayey ehelada soo gudbiyey sheegeen in lacagta canshuurta laga qaado lagu hubeeyo Israel oo xasuuq wada.

Waxaa sidoo kale dacwadan qeyb ka ah oo iyagana dacwado lagu soo ogay Xoghayaha Arrimaha Dibada Antony Blinken iyo Gaashaandhiga Lloyd Austin.

Mas’uuliyiintan ayaa loo heystaa inay illaa iyo hadda diidan yihiin in xabad joojin lagu dhawaaqo, isla markaana wadaan hubeynta Israel.

Dalka Mareykanka ayaa kamid ah wadamada ansixiyey sharciyada la xadhiidha kahor taga xasuuqa iyo ciqaabida dadka geysta.

Balse waxa ay dacwadan tijaabo u noqon doontaa sida Garsoorka Mareykanka go’aan uga gaadho arrimahan taabanaya siyaasada dibbada ee Mareykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this