Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo diyaarado badan dalbatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiyaan Airlines ayaa dalbatay diyaarado badan oo sumadoodu tahay Boeing 737-8 MAX, ku dhawaad shan sanno kadib markii diyaarad noocaan aheyd ay shil ku gashay meel u dhow magaalada Adis Ababa ee caasimaddda dalka Itoobiya.

“Waxaan aaminsanahay inaan hubinay oo aan xaqiijinay in cilladda naqshadeynta diyaaraddaas ay si buuxda u saxantahay,” ayuu yidhi madaxa shirkadda Itoobiyaan Airlines Mesfin Tasew.”.

Waxaan dib u cusbooneysiinay kalsoonidii aan ku qabnay diyaaradda,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Guud ahaan, shirkaddu waxay dalbatay in ka badan 67 diyaaradood oo Boeing ah. Dalabka waxaa ku jira noocyo badan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this