Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Iyo UK Oo Cunaqabateyn Kusoo Kusoo Rogaya Shakhsiyaadka Taagera Xamaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka oo kaashanaya UK ay cunaqabateyn kusoo rogayaan shakhsiyaadka iyo hay’daha taageera Xamaas iyo ururka Islamic Jihad ee Falastiin, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiida X oo hore u aheyd Twitter.

“Mareykanka oo kaashanaya Boqortooyada Ingiriiska ayaa cunaqabateyn ku soo rogaya shaqsiyaadka iyo hay’adaha taageera Xamaas iyo kooxaha argagixisada ah ee Islamic Jihad ee Falastiin. ayuu yidhi Blinken.

“Waxaan sii wadeynaa la shaqeynta saaxiibadeenna iyo xulafadeenna si aan u carqaladeyno waddooyinkan maalgelinta argagixisada.” ayuu Blinekn ku yidhi qoraalkiisa.

Mareykanka ayaa Xamaas u aqoonsan urur argagixiso ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this