Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Secessionists war with Riyaale why?

Recommended Posts

Mudanayaasha Wakiillada oo Rayaale ku Tilmaamay Dambiile Qaran oo Mudan in Maamuus-ka-xayuubin Lagu soo Oogo

July 29th, 2008

 

Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo shalay gudo-galay doodda ajandaha kalfadhiga 7aad oo ay isla shalay ansixiyeen, ayaa si adag diirradda ugu saaray dhibaatada ka taagan ganacsiga adhiga iyo heshiiska xukuumaddu kootada ugu xidhay ganacsadaha Carbeed ee Al-jaabiri.

 

Mudanayaasha doodda shalay ka qaybgalay oo tiradoodu ahayd 8 xildhibaan, ayaa waxa ay isku waafaqeen in Madaxweyne Rayaale yahay dambiile qaran, sidaa darteedna ay waajib distooriya tahay in maamuuska laga xayuubiyo, lagana qaado xilka uu ummadda u hayo, isla markaana lagu soo oogo dembiyo isugu jira dastuur-jebin iyo khiyaamo qaran.

 

Fadhigan shalay oo uu hoggaaniyey Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana ay ka soo xaadireen 43 mudane, waxa uu ahaa mid jewi diirran ku bilaabmay oo aannu habayaraatee jirin wax muran iyo iskhilaaf xildhabaannada dhexdooda ah, iyadoo dhammaanba dareenka mudanayaasha laga dheehan karayey sida ay uga xun yihiin heshiiska xukuumadda Rayaale kootada ugu xidhay dhoofka xoolaha Al-jaabiri, waxaannu xildhibaannada aaraahdooda ka dhiibtay ku tilmaameen heshiiskaas mid sharci-darro ah oo baalmarsan dhammaanba xeerarka iyo shuruucda dalka.

 

Qoddobadda distooriga ah ee mudanayaashu xuleen in Madaxweyne Rayaale si badheedha u jabiyey waxa ka mid ah qodobka 11aad ee distoorka qaranka ee ka hadlaya dhaqaalaha dalka, kaas oo qeexaya in Somaliland qaadatay mabaadiida suuqa xorta ah, isla markaana xaaraantinimaynaya in ganacsiga iyo dhaqaalaha laga dhigo kooto (monopoly) cid gaar ahi ganacta ku hayaan iyo qodobo kale oo distooriya oo ay ka mid yihiin qodobka dawladda waajibka kaga dhigaya in heshiisyada ay gasho horkeento Golaha Wakiillada si loo ansixiyo.

 

Waxayna mudanayaasha doodda shalay ka qaybqaatay ee dalbaday in Madaxweyne Rayaale lagu sameeyo maamul-ka-xayuubinta soo daliishadeen qodobka distooriga ah ee 96aad oo ka hadlaya eedaynta iyo maamul-ka-xayuubinta Madaxweynaha, ku-xigeenka iyo wasiirrada, kaas oo qeexaya in Madaxweynaha lagu soo oogi karo dambiyadda kala ah khiyaamo qaran iyo ku xadgudubka distoorka.

 

Md. Siciid Cilmi Rooble oo doodda shalay fikirkiisa ka dhiibtay, ayaa yidhi; “Haddii Golaha Wakiilladu doonayo in uu kasbado kalsoonida shacbiga soo doortay waa in Madaxweyne Rayaale lagu qaadaa xil-ka-xayuubin si Madaxweyne kasta oo xilka qabtaa ugu quus-qaato neefka xoolaha ah. Heshiiska Al-jaabiri Madaxweynuhu la galayna waa xaaraan maqdac ah oo baalmarsan shuruucda iyo xeerarka dalka, waanna dastuur jabin ee waa in sida ugu dhakhsaha badan Rayaale xilka qaadis loogu sameeyaa.”

 

Md. Ibraahim Axmed Raygal oo isna doodda ka qaybgalay, ayaa soo jeediyey in arrinta xoolaha goluhu guddi gaar ah u saaro oo soo qiimaysa arrimaha la isku haysto, isagoo xusay in xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, loona baahan yahay in laga wada qaybqaato xannaanayntooda iyo daryeelkooda.

 

Md. Abiibakar Good ayaa isaguna caddeeyey in xukuumadda Rayaale caadaystay sharci-jabinta, sidaa awgeedna loo baahan yahay in tallaabo sharci ah laga qaado oo maamuus-ka-xayuubin lagu soo oogo, isagoo arrintaa faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; “Waxaad mooddaa in xukuumaddu caadaystay sharci-jabinta, haddii ay noqoto qof suuqa maraya oo xabbad lagu dhufto. Haddii aynu eegno xoolaha iyo dhibaatada ka taagan dhoofintooda, maantana waxay taagan tahay xoolihii dalka oo qof qudha loo xidhayo oo weliba loo raacinayo raashin keenista.”

 

“Haddaba, innaga oo arkayna sharci-jabinta xukuumadda Rayaale waxa habboon in Golaha Wakiilladu Madaxweynaha xil-ka-xayuubin ku sameyno, waayo waxa uu gabbood-fal ku sameeyey ummaddii soo dooratay ee xilka u dhiibatay, qodobo distoorka ku yaalna wuu jebiyey, markaa waxa mudan in goluhu tallaabo ka qaado,” ayuu yidhi Md. Abiibakar.

 

Md. Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ahaa xildhibaannada fikirkooda ka dhiibtay fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada, ayaa dooddiisa ku yidhi; “Madaxweynuhu dembi buu galay oo khiyaamo ayuu sameeyey, maalin walbana waxaynu maqalnaa dad baa dembi galay oo guddiga nabadgelyada xukuntay ee muxuu Rayaale kaga duwan yahay kuwa guddiga nabadgelyadu xukunto, waxa uu galay khiyaamo qaran, beenbuu ummadda u sheegay oo ballankasta oo uu galo wuu ka baxaa, markaa waxa la gaadhay waqtigii xil-ka-xayuubinta Rayaale, waanna daembiile qaran.”

 

Sidoo kale, Md. Xuseen Maxamed Cige ayaa isaguna caddeeyey in mawqifkiisu la mid yahay mudanayaasha ka hor hadlay ee soo jeediyey xil-ka-qaadista Madaxweynaha, waxaannu sheegay in sida xukuumaddu ula dhaqantay arrinta xooluhu tahay mid khalad ah.

 

“Wasiirka [Xannaanada Xoolaha] oo afka xukuumadda ku hadlayey ayaa yidhi, ninka reer miyigi ahi haddii gadbad bariisa doono oo sayladda hakeeno, xukuumadda sidaa u hadlaysaa dawlad inoo noqon mayso waanna in wax laga qabtaa oo mudaharaad xalaal ah oo xildhibaannadu horkacayaan la sameeyo oo heshiiska Al-jaabiri lagaga soo horjeedo,” ayuu yidhi Md. Xuseen Maxamed Cige, waxaannu intaa raaciyey in haddii xukuumadda Rayaale dalka daacad ay u tahay heshiisyaday gasho Golaha Wakiillada horkeeni lahayd.

 

Md. Cali Yuusuf Axmed oo isna doodda ka qaybqaatay ayaa yidhi; “Cidda ka soo horjeedsata fikradaha xildhibaannnada ee xil-ka-qaadista rayaale waa qof aan dalkiisa laxejeclo u qabin, waanna dhib, waxaanna wax lala yaabo ah xukuumaddii xoolaheeda suuq u raadin lahayd inay nin qudha u xidhayso, heshiiska Al-jaabirina dastuurka ayuu jabinayaa, waanna in Golaha la horkeemo oo Al-jaabirina lala xisaabtamo.”

 

Waxa uu Md. Cali Yuusuf tilmaamay in Al-jaabiri lacagtii loogu talogalay dhismaha maxjarka uu mid ka badan qaatay ayna tahay in lala xisaabtamo oo lacagta uu dalka ka qaatay laga soo qaado, “Lacagta Al-jaabiri qaatay halaga soo qaado, haddii aanay xukuumaddeennu inoo hayn,” ayuu yidhi Md. Cali Yuusuf.

 

Md. Xaashi Xuseen Caabi ayaa isaguna sheegay inuu taageersan yahay in Madaxweynaha xilka laga qaado, waxaannu tilmaamay in heshiiska Al-jaabir yahay mid xaaraan ah, “Xoolihii halbawlaha dalka ahaa ayaa loo xidhay nin ajaanib ah, waxaanan qabaa haddii dalkan lagu soo duulo oo hub lala soo galo in cid wax ka qabanaysaa aanay jirin, waayo xoolihiiba ajaanib baa la siiyey, waxaanan leeyahay haddii xukuumaddu aanay faralaha ka qaadin heshiiskaa Al-jaabiri, inkaarta xooluhu way dhacaysaa cid ay ku dhacdaba heshiiskuna waaba xaaraan,” ayuu yidhi Xaashi Xuseen Caabi.

 

Ugu dambayntiina waxa doodda soo gebogebeeyey Md. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo isna si adag uga hadlay arrinta xoolaha iyo heshiiska Al-jaabiri.

 

Geesta kale, Doodda shalay oo ahayd mid biyo-shubkeedu ahaa dhaliilaha iyo eedaynta loo soo jeedinayo Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, ayaa waxa ku cusbaa iyada oo aanay habayaraatee xildhibaannada xisbiga UDUB ka soo baxay iyo kuwa taageersan siyaasadda xukuumadda midkoodna eray qudha afkooda ka soo bixin, iyaga oo aamusnaan ku daawanayey habsami-u-socodka doodda lagu lafo gurayo, dhibaatada ka taagan doofka xoolaha iyo heshiiska Al-jaabiri, waxana dhacday in mudanayaasha UDUB-ta ee isku daray liiska ka qaybgalayaasha dooddu uu mid waliba si dhuumasho ah uga baxay madasha hoolka golaha ee dooddu ka socotay, halka qaar kalena markii dambe magacoodaba liiska ka masaxeen, waayo, marka laga la eego xaqiiqada dalka ka jirta ee la xidhiidha sida bulshada reer Somaliland uga soo horjeedo kootada dhoofka xoolaha la geliyey.

 

Mudanayaasha UDUB waxa ku adkaatay inay taageeraan heshiiska Al-jaabiri iyo inay ka soo horjeedsadaan, taas beddelkeediina waxa xildhibaan kastaaba kaligii go’aansaday inuu afka ka xidho ka hadalka qaddiyadda xoolahaba, aayar aayarna ay madasha shirka uga dusaan.

 

Source: Jamhuuriya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Wakiillada oo Aqlabiyad ku Meelmariyey Go’aan Xaaraantinimaynaya Heshiiska Al-jabiri

‘Hashiis kasta oo ka horimanaya Qodobka 11aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waa waxba kama jiraan’

 

Go’aanka Golaha

 

Hargeysa (Jam)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigoodii shalay go’aan ka soo saaray muranka ganacsiga dhoofka xoolaha nool, kaas oo ay ku sheegeen in sida ku cad dastuurka dalka ganacisga xooluhu ku salaysan yahay suuqa xorta ah, isla markaana aanay xukuumaddu ku dhaqmi Karin heshiis aan waafaqsanayn dastuurka.

 

 

Go’aanka Golaha Wakiilladu ka soo saaray khilaafka ba’an ee ka taagan ganacsiga dhoofka xoolaha oo ka kooban afar qodob, waxa uu ka dambeeyey dood kulul oo mudanayaashu ka yeesheen arrintan oo muddo laba maalmood ah socotay, isla markaana ay ka qaybqaateen 21 mudane oo intooda badani si weyn xukuumadda ugu dhaleeceeyey masuuliyadda khilaafka ba’an ee ka taagan xoolaha. Qodobadda goluhu go’aamiyey waxa ka mid ah in dhammaan heshiisyada xukuumaddu gashay la horkeeno Golaha Wakiillada si uu uga guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.

 

 

Fadhiga shalay oo uu hagayey Guddoomiyaha Goluhu Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in doodii mudanayaashu ka yeesheen muranka dhoofka xoolaha ay afar qodob ka soo saareen, balse ay jireen soo jeedimo kale oo qaar ka mid ah xildhibaanadu ku doodeen, kuwaas oo uu xusay in aan weli la gaadhin ama aanay dooduba khusayn.

 

 

Guddoomiyuhu waxa uu mudanayaasha ka dalbay inay u codeeyaan qodobada ay soo saareen, si ay u noqdaan go’aan gole, waxaana fadhiga oo ay joogeen 46 mudane qodobadaas ogolaaday 44 mudane, cid diidayna may jirin, hal mudanena wuu ka aamusay, Guddoomiyuhuna ma codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay go’aankaasi.

 

 

Qodobada go’aanka goluhu ansiyey oo faahfaahsanina waxay u qornaayeen sidan:

 

 

“Waxay dooddu bilaabantay 27/07/2008, waxaanay dhammaatay 28/07/2008. Dooddan waxa ka qaybqaatay 21 mudane oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada. Mudanayaashu waxay dooddaada u dhiibteen si xirfad iyo farshaxanimo leh iyada oo ay mudanayaashu afkaartooda ku aroorinayeen sharciyada, maadaama oo ay yihiin Gole Sharci Dejineed, isla markaana waajib ay ku tahay ilaalinta sharciga oo uu sal u yahay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Mudanayaashu waxay isdul-taageen carrabkana ku celceliyeen in xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, ka ganacsiga xooluhuna yahay khayraadka 1aad ee ummaddan nolosheedu ku tirsan tahay.

 

 

Haddaba, doodad mudanayaashu waxa nuxurkeedu isugu soo biyo shubtay kuna gabagaboy qoddobadan:-

 

 

1. In ganacisga dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu saldhig u yahay suuqa xorta ah sida ku cad Qodobka 11aad ee Dastuurka dalka. Hashiis kasta oo ka horimanaya Qodobka 11aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waa waxba kama jiraan.

 

 

2. In dhammaan heshiisyada xukuumaddu gashay ee leh sifada ku cad Qodobka 53aad faqradiisa 3aad la horkeeno Golaha Wakiillada, si Goluhu uga guto waajibaadkiisa Dastuuriga ah.

 

 

3. In loo yeedho cid kasta oo ku lug leh ama ay khusayso arrinta ganacsiga adhiga, si loo helo xogta iyo xaqiiqda ku xeeran Ganacsiga Adhiga sida Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Ganacsiga, Rugta Ganacsiga iyo Ganacsatada Adhiga.

 

 

4. In Goluhu u saaro guddi gaar ah (Adhoc Committee) dhibaatada dhoofka xoolaha.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

He is incompetent so he faces critics both from the media and the people. Alot like Bush.

 

It's free world buddy something your uncle knows little or nothing about.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^kkkkk sure he does that for sure. He bashes Burco and says they are my people and we love them. :D

 

This man would sleep well if hargeysa and Burco were under sieged by his uncle unfortunately his uncle doesn't have the manly balls, nor the resources to attempt such thing.

 

'terrorist card' which was usefull to him in Xamar will not work on Somaliland. Which leaves him to stick with clansmen to do the fighting and mano to mano, waxaa lahubaa In diinta farta loosaaray AY iyo waxii soo raaca. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this