Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xasan Xundubey oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
Xundubey-1.jpg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga gudaha Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xundubey ayaa sheegay in madaxweynuhu markan gaaray da’da todobaatameeyada oo uu ku micneeyay in qofka ku jira marxaladdaas uusan laheyn curin, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha haddii uu 70 gaaray curinta dadkii laga rabay ha usoo noqdo illeen reer todobaatan waa tageen horaa loo yiri, ani ma dhihinee” ayuu yiri Xasan Xundubey.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inuu madaxweynuhu uusan ogoleyn la kulanka siyaasiyiinta kasoo horjeeda, balse uu doonayo shaqsiyaadka gaarka ah ee uu danaha ka leeyahay.

“Qodobka labaad horaaa madaxweyne usoo ahaa waa laga soo sheegaa, marka qof hantiile ah oo uu dhaqaale ka rabo maahinee ama dhalinyaradaan uu adeegsanaayo maahinee cid kale oo uu madaxweynuhu maanta uu la tashado” ma jirto” ayuu mar kale yiri Xundubey.

Xasan Xudubey oo sii hadalaya ayaa farriin culus u diray madaxweynaha, wuxuuna ugu baaqay inuu kusoo laabto bulshadiisa, isla-markaana uu la sameeyo la tashi guud.

“Madaxweynaha bulshadiisa ha usoo noqdo, waxgaradka ha usoo noqdo dalkaan isagu malaha, annagu ma lihin waan wada leenahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale, waxa uu ka hadlay howlgallada ka dhanka ah ah Al-Shabaab, doorka ciidanka Macawiisleyda iyo arrimi ku aadan wixii dhex-maray isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Halkan hoose ka daawo:-


The post Daawo: Xasan Xundubey oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this