Deeq A. Posted November 15, 2023 Guriceel (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 13-kii bishaan u fariisatay maxkamadeynta 24 askari oo horaantii bishaan ku dagaalamay gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kaas oo gaystay khasaare kala duwan. Askartan oo ka kala tirsan taliyada Booliska, NISA iyo Milatariga ayaa lagu soo eedeeyay inay gaysteen dil bareer ah, dhaawacyo, burburin hantiyeed iyo cabsi gelin dadweyne. Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka Cabdicasiis Cismaan Faarax ayaa maxkamadda ka hor caddeeyay eedaha loo haysto 24-ka eedeysane, wuxuuna maxkamadda ka codsaday inay dhammaantood ku wada xukunto dil toogasho ah. “Dadkaas waxa ay dileen marxuum Nuur Axmed Maxamed oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka, waxay gaysteen dhaawacyo, waxaan codsanayaa dhammaantood in lagu xukumo dil toogasho ah” ayuu yiri ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada. Sidoo kale waxaa goobta la keenay marqaatiyeyaal ku sugnaa goobta lagu dagaalamay oo maxkamadda u faahfaahiyay, sida ay wax u dhaceen. Sheekh Daahir Faarax oo isna ah baaraha kiiskan ayaa goobta ka sheegay in baarista ay sameeyeen ay ku ogaadeen in askartan ay gaysteen dambiga lagu soo eedeeyay. “Markaan baaritaan ku sameynay kiiskaas waxaa noo cadaatay in eedeysanayaasha ay yihiin kuwa galay eeda loo soo jeediyay” ayuu yiri Sheekh Daahir Faarax. Dhankooda qareenada difaacayay eedeysanayaasha ayaa dafiray dhammaan eedaha loo soo jeediyay askartan, waxayna ku tilmaameen waxba kama jiraan, iyaga oo sidoo kale ka codsaday maxkamadda ciidamada qalabka sida inay dib usiiso xoriyaddooda. Ugu dambeyn maxkamadda ayaa isla maanta soo saartay xukunka, waxayna 15 kamid ah askartaan ku ridday saddex sano oo xabsi ciidan ah, bixinta magta marxuumiinta kala ah Marxuum Saciid Salaad Cali iyo Marxuum Nuur Axmed Maxamed oo ku dhintay shaqaaqadii ka dhacday Guriceel iyo bixinta magta 5 ruux oo ku dhaawacantay dagaalkaasi, halka sideeda kale ay sheegtay maxkamaddu in lagu waayey wax dambi ah, kadibna lasii daayay. The post Daawo: Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday 24 ASKARI appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites