Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku dhawaad 10 qof oo ku dhintay Beledweyne, kadib markii…

Recommended Posts

Deeq A.   
wabiga-1.jpg?fit=696%2C392&ssl=1

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weli xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka taagan tahay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kadib markii uu ku fatahay wabiga Shabelle.

Fatahaadda ayaa saameysay afarta xaafadood ee magaalada, waxaana ay halakeeyay biyaha wabiga, kadib markii uu karkaarada jabsaday.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in fatahaadda ay sababtay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Dhimashada ayaa haatan mareysa illaa 8 qof, kuwaas oo ay biyuhu la tageen, waxaana sidoo kale jira dad weli ku go’doonsan xaafado ka mid ah degmada Beledweyne.

Sidoo kale waxaa jira qoysas badan oo ay saameysay fatahaadda, kuwaas oo u barakacay duleedka magaalada oo ay haatan ku haysato xaalad nololeed oo adag.

Mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa degmada oo ka hadlay xaaladda Beledweyne, waxa ay sheegeen in laga gaabiyay u gurmashada dadka ay saameeyeen fatahaadaha.

Waxa ay sidoo kale farriin u direen dowladda federaalka iyo HirShabelle, iyaga oo ka codsaday inay gurmad bani’aadanimo oo deg-deg ah ay lasoo gaaraan reer Beledweyne.

Hiiraan ayaa waxaa sanad kastaa ku soo laa laabta fatahaado khasaare badan gaarsiiya shacabka, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Si kastaba, guud ahaan Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku dhuftay daadad xoogan oo ka dhashay xaaladda Elnino, waxaana soconaya dadaallo ay waddo dowladda Soomaaliya.

The post Ku dhawaad 10 qof oo ku dhintay Beledweyne, kadib markii… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this