Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo mar kale qaadaya tallaabo uga sii dareysa xiisadda

Recommended Posts

Deeq A.   
Golaha-Wakiilada-Puntland.jpeg?fit=2048%

Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa qorsheynaya inuu qaado tallaabo cusub oo laga cabsi qabo inay mar kale horseedo gacan ka hadal ka dhaca caasimada Puntland ee Garoowe.

Baarlamaanka ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta Isniinta ee todobaadka soo socda oo ku beegan 20-ka bishaan November uu meel-mariyo xeerka wax beddelka doorashooyinka, kaasi oo uu soo saaray guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC.

Xeerkan ayaa shalay loo gudbiyay Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Puntland, wuxuuna dhigaya in doorashada maamulka ay qabsoomto dhamaadka bisha Febraayo, taasi oo ka dhigan in doorashada ay ka dib dhaceyso waqtigeeda.

Sidoo kale, xeerkan ayaa dhigaya in doorashada Madaxtooyadda iyo tan Baarlamaanka ay ku dhacdo hanaanka qof iyo cod, oo ay soo doortaan shacabka Puntland.

Mucaaradka ayaa horey uga digay guddoonka baarlamaanka oo la sheego inuu jiro dhanka madaxweyne Saciid Deni inuu qaado tallaabo mar kale horseedi karta xasilooni darro amni oo ka dhacda magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa iyaguna shalay ku dhawaaqay jadwal doorasho cusub, kaasi oo dhigaya in doorashada maamulka ku qabsoomto waqtigeeda oo ah 8-da Janaayo ee sanadka cusub ee 2024-ka.

“Dalladu waxay u aragtaa lagama maarmaan in la qabto doorasho ku dhacda waqtigeeda 8-da Janaayo si looga baaqsado firaaq dastuuri ah. Sidaas darteed, Dalladu waxay halkaan kusoo gudbinaysaa Jadwalka xulista Baarlamaanka, Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Dallada Mucaaradka Puntland, kadib kulan ugu soo dhamaaday magaalada Garoowe.

Jadwalka Mucaaradka uu soo saaray ayaa waxaa ku xusan in 31-da bisha December la shaacinayo liiska xildhibaanada cusub, halka ay bilaabaneyso 5-ta December qabashada dukumintiyada xildhibaanada cusub.

1-da January ayaa sidoo kale waxaa la dhaarinayaa xildhibaanada, halka 4-ta January la dooranayo gudoonka golaha wakiilada maamulka Puntland, sida ku qoran jadwalka doorasho ee mucaaradka uu maanta soo saaray.

Jadwalka doorasho ee uu soo saaray mucaaradka ayaa ka hor imanaya guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC, kaasi oo muddo kororsi dadban loogu sameeyay madaxweyne Saciid Deni.

Isku soo wada duubo, Arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda ka taagan Puntland, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale uu gacan hadal ku dhexmaro Garoowe ciidamada Mucaaradka iyo kuwa maamulka, sidii dhacday 20-kii June ee sanadkan, taasi oo galaafatay nolosha in ka badan 30 qof.

The post Baarlamaanka Puntland oo mar kale qaadaya tallaabo uga sii dareysa xiisadda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this