Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu yaraan 8 qof oo ku dhintay fatahaadda magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20231115_090744201.png?resize=718

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku geeriyootay fatahaadda wabiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay xaqiijiyeen maamulka degmada Baladweyne.

Duqa magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa sheegtay in muddooyinkii lasoo dhaafay ay magaaladu wajahaysay fatahaado baaxad leh, halka dhowr marna ay jabsadeen biya xireennadii la sameeyay, kuwaas oo sababay qasaara nafeed iyo mid hantiyeed.

Marwo Nadar ayaa sheegtay in hay’adaha samafalku ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameeyeen fatahaaduhu, waxayna deeq bixiyayaashu ka codsatay in ay gargaar bini’aaddan-nimo lasoo gaaraan dadka ku barakacay duleeddada magaalada iyo kuwa ku xanniban xaafadaha.

PUNTLAND POST

The post Ugu yaraan 8 qof oo ku dhintay fatahaadda magaalada Beledweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this