Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka iyo UK oo cunaqabateyn ku soo rogaya Shakhsiyaadka taageera Xamaas

Recommended Posts

Deeq A.   
c8aece40-1eaa-4c59-baab-c394199b2f85_w40

Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa qorshaynaya in ay cunaqabateyn ku soo rogaan Shakhsiyaadka iyo Hay’adaha Taageera Xamaas ururka Islamic Jihad ee Falastiin.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka oo kaashanaya UK ay cunaqabateyn kusoo rogayaan shakhsiyaadka iyo hay’daha taageera Xamaas iyo ururka Islamic Jihad ee Falastiin, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X oo hore u aheyd Twitter.

“Mareykanka oo kaashanaya Boqortooyada Ingiriiska ayaa cunaqabateyn ku soo rogaya shaqsiyaadka iyo hay’adaha taageera Xamaas iyo kooxaha argagixisada ah ee Islamic Jihad ee Falastiin”.

“Waxaan sii wadeynaa la shaqeynta saaxiibadeenna iyo xulafadeenna si aan u carqaladeyno waddooyinkan maalgelinta argagixisada” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka iyo UK oo cunaqabateyn ku soo rogaya Shakhsiyaadka taageera Xamaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this