Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda oo Sheegtay inay Baadhayso Dawo laga Deyriyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda oo Sheegtay inay Baadhayso Dawo laga Deyriyay
IMG-20231114-WA0004.jpg
Hargeysa(Qaran news)- Hay’adda ilaalinta tayada Somaliland ayaa sheegtay inay baadhayso kiniin laga dayriyay oo lagu faafiyay baraha bulshada inuu halis caafimaad u leeyahay bulshada.

Sidaasna waxay ku sgeegeen qoraal ay soo saareen oo u qornaa sidan:-

“Digniin

Hay’adda Dhawrista Tayada iyadoo gudanaysa waajibaadka shaqo ee ay masuulka ka tahay, waxa ay bulshada Somaliland u cadaynaysaa in Kiniinka sawirkiisu halkan hoose ka muuqdo magaciisuna yahay EBUFAC ay tahay dawo laga been abuuray shirkada soo saaratay sidoo kalena markii Hay’addu samaysay shaybaadh (testing), kuna dhacday halbeega saamaynaya waxtarka iyo shaqada dawada ( active pharmaceutical ingredients).

Sida darteed waxaanu dawadaas ka saari doonaa dhamaan goobaha ganacsi ee ay taalo sida ugu dakhsaha badan. Bulshada waxa aanu ka codsanaynaa in ay nagu soo wargaliyaan goobkasta oo ay dawada ku arkaan.

Sidoo kale waxa ay Hay’addu bulshada iyo Ganacsatada Dawooyinka u sheegaysa in sharciga lala beegsan doono Shirkad kasta oo ka been abuurta dawada ay dalka keenayso.

Faahfaahinta daawada:
Generic name: Ibuprofen 400mg tablet
Brand name: EBUFAC
Batch Number: ER0512q”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this