Deeq A. Posted November 15, 2023 Xukuumadda oo Sheegtay inay Baadhayso Dawo laga Deyriyay Hargeysa(Qaran news)- Hay’adda ilaalinta tayada Somaliland ayaa sheegtay inay baadhayso kiniin laga dayriyay oo lagu faafiyay baraha bulshada inuu halis caafimaad u leeyahay bulshada. Sidaasna waxay ku sgeegeen qoraal ay soo saareen oo u qornaa sidan:- “Digniin Hay’adda Dhawrista Tayada iyadoo gudanaysa waajibaadka shaqo ee ay masuulka ka tahay, waxa ay bulshada Somaliland u cadaynaysaa in Kiniinka sawirkiisu halkan hoose ka muuqdo magaciisuna yahay EBUFAC ay tahay dawo laga been abuuray shirkada soo saaratay sidoo kalena markii Hay’addu samaysay shaybaadh (testing), kuna dhacday halbeega saamaynaya waxtarka iyo shaqada dawada ( active pharmaceutical ingredients). Sida darteed waxaanu dawadaas ka saari doonaa dhamaan goobaha ganacsi ee ay taalo sida ugu dakhsaha badan. Bulshada waxa aanu ka codsanaynaa in ay nagu soo wargaliyaan goobkasta oo ay dawada ku arkaan. Sidoo kale waxa ay Hay’addu bulshada iyo Ganacsatada Dawooyinka u sheegaysa in sharciga lala beegsan doono Shirkad kasta oo ka been abuurta dawada ay dalka keenayso. Faahfaahinta daawada: Generic name: Ibuprofen 400mg tablet Brand name: EBUFAC Batch Number: ER0512q” Qaran News Share this post Link to post Share on other sites