Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ka Guura --------- Waa Amar

Recommended Posts

Ku: Dhammaan Isimada SSC ee DG Puntland Fadhigooda

 

Ku: Cuqaasha, Odayaasha iyo Waxgaradka SSC ee DGPuntland Fadhigooda

 

Ku: Taliska Ciidanka Daraawiishta ee Jiida Hore Tukaraq

 

Og: Madaxweyne ku sime iyo Golaha Xukuumadda Puntland Garoowe

 

Og: Golaha Wakiillada DGPuntland Garoowe

 

 

 

Ujeeddo: Wargelin Iyo Codsi

 

 

 

Mudanka iyo madaxda DGPL ee warqadani ku socoto, marka hore naga guddooma Salaanta Islaamka – Assalaamu CalaykumWaraxmatu Laahi Wa Barakaatuhu. Marka labaad naga guddooma aniga iyo ciidanka daraawiishta Puntland xurmada iyo qaddarinta aad naga mudan tihiin.

 

Mudanayaal, muddo ilaa afartan beri ah Shirkii Issimada, Cuqaasha iyoWaxgaradka Gobollada SSC uga socday tuulada Tukaraq wuxuu ku bilowday jawi farxad, dhiirrigelin iyo rajo wayn ku abuuray shacbiga reer Puntland oo dhan, gaar ahaan Ciidanka Daraawiishta ee difaaca uga jira Jiidda Gambadhe-Tukaraq, isuna diyaarinaya waajibka xoraynta dalka.

 

Taliska Guud iyo Ciidanka jiidda hore oo si buuxda ugu kalsoon hadafka guurtida iyo ujeeddada ay shirkaas ugu qabteen dayac jiidda hore, iyagoo Caasimadda Puntland ka heli kara goobo kaga habboonaa oo diyaar u ah.

 

Isla markaas iyadoo la hubo in ciidanku wax badan ka faa’idey shirkaasi muddadii uu socday, xag mooraal iyo dhiirrigelin, iyo xag taakuleyn guud iyo dhaqaale hoose oo dhalinyaradu ka heleen guurtidii dhex joogtay.

 

Haddana waxaan maanta ku khasbanahay inaan idinku wargelino dhibaato halis ku ah ciidanka iyo difaaca ay ku jiraan oo baryahan dambe dareen nagu soo kordhisay.

 

Sida la ogyahay shir kasta oo looga doodayo maslaxadda guud wuxuu maraa marxalado kala duwan oo lagu rogrogayo ajendaha shirka, waxaana sida badan soo baxa afkaar iyo aragtiyo kala duwan oo doodo kulul dhaliya, ama eedo xamaasadi keentay la isu jeediyo, laakiin sida badan dhammaada heshiis iyo natiijo midaysan.

 

Shirka Tukaraq oo maalmahan marxalado caynkaas ah soo maray iyo doodihiisii furnaa waxay dhexqaadeen, xamaasadiina u gudbiyeen ciidanka jiidda hore ee difaaca, waxayna dhaliyeen shaki iyo su’aalo badan oo halis ku ah mooraalka iyo midnimada hadafka difaaca iyo xoreynta ee ay rafaadka u fadhiyaan.

 

Haddaba Taliska Guud Ee Ciidanka Daraawiishta iyo Talisyada Colalka jiidda hore ee difaaca ku jira markay qiimeeyeen Marxaladda Shirka Tukarraq marayo iyo halista uu ku noqon karo Ciidanka iyo Ujeeddada uu jiiddaas u fadhiyo uu ku sugayoba.

 

Annagoo markastaba ku kalsoon hadafka shirka iyo inuu ugu dambaynta talo loo dhan yahay iyp guul loo aayo ku dhammaan doono, haddana “ Diqsigu inta la isu dhiibayuu dhintaaye” waxaa na cabsi geliyey guuxa maalmahan ka abuurmay doodihii ugu dambeeyey ee shirka ka dhacay.

 

Saas darteed, waxaan si xurmo iyo qadarin leh uga codsanaynaa Issimada, Cuqaasha, Waxgaradka iyo Golayaasha dawladdaba in shirkaas laga joojiyo Jiidda hore iyo Ciidanka dhexdiisa, loona beddelo meeshii iyo qaabkii kale ee uu kaga habboon yahay.

 

Mar kale Mudanka iyo Madaxda waxaan u celinaynaa Salaan Mahadnaq, iyo Raalligelin haddii ay jirto cid nagu dhibsan karta codsigaan.

 

 

 

 

 

S/Guuto

 

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland

 

Cabdirisaaq Shiikh Cismaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this