Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan Lagaga Hadlayay Xoojinta Amniga oo Lagu Qabtay Wasaaradda Daakhiliga

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan Lagaga Hadlayay Xoojinta Amniga oo Lagu Qabtay Wasaaradda Daakhiliga

IMG-20231114-WA0002.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Kulan lagaga hadlayey Amniga guud ee dalka oo uu shirgudoomiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta ka qabsoomay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Shirkan oo ay ka soo qayb-galeen Guddida Heer Wasiir ee Hanaanka Xog-wadaaga Dawladda (Government Information Desk Committee) iyo Taliyayaasha Ciidamadda JSL.

Mudadii shirku socday ayaa waxa lagu gorfeeyey sidii loo xoojin lahaa amniga guud ee dalka iyo sidii looga hortagi lahaa falalka amni-darro ee ay maleegayaan kooxaha ka soo horjeeda qarannimada Somaliland.

Sidoo kale, shirka waxa lagaga wada-hadlay sida ugu haboon ee loo adkayn lahaa wadashaqaynta hay’addaha dawladda iyo shacabka Somaaliland ugu midoobi lahaayeen adkaynta nabadda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this