Sign in to follow this  
Deeq A.

Wabiga Shabeelle oo Fatahaad Ka Sameeyay Deegaanno Dhaca Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Wabiga Shabeelle oo mara webi mara qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya ayaa ku fatahay deegaanno dhowr ah, iyada oo ay ka dhasheen khasaaro kala duwan. ,

Magaalooyinka Baadweyne, Jowhar iyo Mahadaay oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa wajahaya xaalad fatahaad ah, xilli gobolka Shabeellaha hoose cabsi laga sheegayo.

Deegaannada Buula-mareer iyo Golweyn ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa ka jira fatahaado uu Wabigu sababay, waxaana sawiro halkaas laga soo qaaday muujinayaa saameynta iyo fataahadda ka dhashay biyaha tirade badan ee Wabiga Shabeelle, xilli Afgooye iyo magaalooyin kale cabsi ay ka jirto.

Sidoo kale degmooyinka Afgooye, Awdheegle iyo Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose awaxaa laga dareemayaa fatahaad bilow ah, taas oo aan u xoog badneyn sida degmooyinka kale, mana jiraan wax khasaare Nafeed ah oo laga soo wariyay Fatahaadda wabiga Shabeelle uu ka sameynayo deegaannada.

Marka laga soo tago dhibaatada guud, hadana waxaa jirta magaalooyin u nugul fatahaadda sida magaalooyinka Baladweyne, Jowhar iyo Afgooye, bulshada ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan goobaha Wabiga jiinkiisa ah, waxaana la saadaalinayaa in xadiga roobabka oo badan ay saameyn badan dhalin karaan.

Fataadaha Wabiga Shabeelle ayaa siweyn u halakeeyay dhul u badnaa dhulbeereed, kuwaas oo intooda badan la beeray xilliga jiilaalka, waxaana saameyntaan ay imaanaysaa xilli isna Wabiga Jubba fatahaad uu ka sameeyay Gedo ay ka dhalay musiibo, dowladuna waxaa ay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah.

Digniino hor leh ayaa laga soo saaray fatahaad wabeiga Shabeelle, iyada oo Hay’adda SODMA ay digniin u dirtay dadka degan hareeraha wabiga iyo goobaha biyo mariinnada, xilli guud ahaan dalka ay ka da’een Roobab wata biyo badan, kuwaas oo ah xilliga Deyrta, waxaana jirta cabsida laga qabo EL-Nino.

401076126_809639347869340_76852941379375 401077573_809639264536015_31827253061483 401080120_809639357869339_42182137916485 401485453_809639391202669_43240123884745 401500342_809639447869330_69297447876764 401502913_809639284536013_18881524743149 401508572_809639281202680_57209267780150

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this