Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’isul Wasaare Kuxigeenka XFS iyo Wafdi u Kuurgalaya Fatahaadaha oo Gaaray Baydhabo+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hogaaminayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayna qayb ay ka ahaayeen heerarka kala duwan ee dowladda iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle iyo Madaxda Hay’addaha ka shaqeeya Arimaha Gargaarka oo maanta Baydhabo gaaray.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasis Laftagareen oo soo dhowaeeyay ahaa la wadaagay mas’uuliyiintan dhibaatooyinka ka dhashay Fatahaadaha ka dhacay Degmooyin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Dadaalada socda ee ugurmashada Dadka Saameynta ku yeeshay daadadka El-Niño.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Madaxda Hay’addaha ee Wafdiga ku wehlinayey ayaa sheegey in socdaalkooda ay tahay sidii Gargaar loo gaarsiin lahaa Dadka Fatahaadaha saameyeen ee ku nool guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed,.

Hey’adda Maareynta ayaa dhowaan magalaada Baydho u dirtay shixnad gargaar ah oo loogu talo galay dadka ay daadadku saameynta ku yeeyeen, waxaana sidoo kale xusid mudan in magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan maamulka ay go’doon ku jiraan.

400694941_698749799020836_39877887742685 400700690_698749929020823_78499437320451 400941869_698749729020843_75245984195969 400941890_698749862354163_79437788666046 400979367_698749682354181_18665332100134 401614589_698749745687508_39523878361004 401637330_698749785687504_90317171067997 401637420_698749622354187_54976982312384 401639438_698749935687489_45255097172138 401644988_698749635687519_15479537386569 401686713_698749835687499_91357589040282 401717387_698749649020851_92691603223447 401747650_698749705687512_75463577880535 401762576_698749875687495_61338266327614 401796954_698749612354188_31132997505189 401819778_698749692354180_79650723932803 401834106_698749659020850_19940554817848

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this