Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wafdi culus oo ka socda DF oo gaaray Baydhaba, indhaha-na soo saaray…

Recommended Posts

Deeq A.   
400775150_698749559020860_39520992878919

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo.

Ujeedka wafdiga uu horkcayo ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa u daarna sidii uu ugu kuur-gali lahaa xaaladda dadka ay saameyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta (El-Niño).

Mudane Saalax oo ay weheliyaan masuuliyiinta hay’adda SODMA, xubno kamid ah hey’adaha samafalka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa isla markii ay gaareen Baydhabo booqday oo indhaha soo saaray xaaladda ka taagan xeryaha qaxootiga iyo dadka nugul oo ay waxyeello iyo barakac kale kasoo gaartay roobabka.

Sidoo kale ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa kulammo la yeeshay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo sidoo kale Hay’adaha ka shaqeeya gargaarka.

Waxa uu kula dardaarmay in la mideeyo dhammaan dadaallada socda, si gurmad loo gaarsiiyo dadka biyuhu saameeyeen isla markaana looga hortago cudurrada ka dhasha biyaha.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed inay usoo gurmadaan dadka dhibaataysan ee ay roobabku saameeyeen.

Si kastaba, roobabka wata daadadka xooggan ee ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka ayaa waxaa dhashay khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhawaac iyo khasaare hantiyadeed, sida ay hore u baahisay dowladda.

400775150_698749559020860_39520992878919

401717387_698749649020851_92691603223447

401465864_698749912354158_21407887142554

401644988_698749635687519_15479537386569

401747650_698749705687512_75463577880535

400694941_698749799020836_39877887742685

401639438_698749935687489_45255097172138

401762576_698749875687495_61338266327614

401637330_698749785687504_90317171067997

400979367_698749682354181_18665332100134

401762540_698749759020840_69937195542048

400839453_698749892354160_68479013974762

401680977_698749815687501_82938409149574

401708054_698749715687511_89533557367648

401646559_698749599020856_79114025509102

401622070_698749845687498_86102408349713

402607661_698749569020859_77059658673707

400941869_698749729020843_75245984195969

The post Sawirro: Wafdi culus oo ka socda DF oo gaaray Baydhaba, indhaha-na soo saaray… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this