Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu yaraan 70 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka Burkina Faso

Recommended Posts

Deeq A.   
World-Data-Locator-Map-Burkina-Faso.jpg?

Ugu yaraan 70 qof oo rayid ah oo u badnaa dad waayeel ah iyo carruur ayaa lagu dilay weerar ka dhacay tuulo ku taalal waqooyiga waddanka Burkina Faso.

Kooxo aan la aqoonsan ayaa weerar ku qaaday tuulada Zaungou oo ku taalla waqooyiga Burkina Faso 5-tii Nofembar, halkaas oo ay ku dileen dadka deegaanka, ayna dab qabadsiiyeen hanti.

Koox ka tirsan hey’adaha caddalaadda oo loo diray inay baaritaan ku sameeyaan ayaa ogaaday in ugu yaraan 70 qof ay dhinteen. Inta badan dhib anayaasha ayaa ahaa carruur iyo waayeel.

Burkina Faso waa mid ka mid ah dhowr waddan oo galbeedka Afrika ah oo la dagaallamaya kacdoonka dhiigga badan ku daatay ee jihaad doonka ah.

PUNTLAND POST

The post Ugu yaraan 70 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka Burkina Faso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this