Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Caydiid “Dowladda Soomaaliya ayaa ku soo duushay nabadda iyo jiritaanka Puntland”

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20231114_103808430.jpg?resize=686

Dowladda Puntland ayaa saaka oo Talaado ah ku dhawaaqday in dowladda Federaalka Soomaaliya duullaan ku soo qaaday nabadda iyo jiritaanka Puntland.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe ayaa Villa Somalia ku eedeeyay in ay ka shaqaynayso burburinta jiritaanka Puntland.

Wasiir Caydiid ayaa sheegay in ay hadda gudaha Puntland khalkhal iyo amni-darro ka abuurayso Villa Somalia oo adeegsanaysa shakhdiyaad dano gaar ah leh iyo xildhibaannada heer Federaal ee laga soo doorto degaannada Puntland.

“Waxaan aad uga xumahay in dowladda Federaalka Soomaaliya ka shaqaynayso in Puntland burburto…. Arrintaas way socotaa gobollada Puntland oo dhan bay ka socotaa hadda oo dowladda Federaalka isku dayaysaa in ay fara-geliso oo khalkhal iyo amni-xumo abuurto”.

” Waxay dowladda Federaalku gacan-siinaysa dad khalkhal iyo xasilooni-dardo ka buuraya gudaha si ay u burburiso nabadda iyo jiriraanka dowladnimada Puntland” ayuu yiri Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaannada heer Federaal ee laga soo doorto Puntland ay magaalada Xamar la taagan yihiin “Puntland ha dhacdo” isaga oo ku eedeeyay in ay ka shaqaynayaan qalalaasaha gudaha.

PUNTLAND POST

.

The post Wasiir Caydiid “Dowladda Soomaaliya ayaa ku soo duushay nabadda iyo jiritaanka Puntland” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this