Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaridka Puntland oo shaaciyay jadwal doorasho oo hal dhinac ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1699960274351-1.jpg?resize=720%2C

Dallada ay ku midaysan siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Puntland ayaa maanta shaaciyay jadwal doorasho oo hal dhinac.

Warqad ka soo baxday dallada Mucaaridka ayay ku shaaciyeen jadwal hal dhinac ah, oo ay ku sheegeen jadwalkii doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2024.

Mucaaridka ayaa sheegay in ay 1. Dec 2023 magacaabi doonaan guddiga xallinta khilaafaadka doorashada, halka 31 Dec ay shaacin doonaan xildhibaannada cusub.

Sidoo kale, waxay sheegeen in ay doorashada ku qaban doonaan wakhtigeeda oo ku beegan 8 Jan sannadka 2024.

Tallaabada Mucaaridka ayaa imaanaysa, iyadoo aan weli xal loo helin khilaafka siyaasadeed ee ka taagan nooca loo qaban doono doorashada Puntland ee 2024.

FB_IMG_1699956270867.jpg?resize=720%2C81

PUNTLAND POST

The post Mucaaridka Puntland oo shaaciyay jadwal doorasho oo hal dhinac ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this