Deeq A. Posted November 14, 2023 Ciidamada Israa’iil ayaa gaadhay albaabada cisbitaalka weyn ee magaalada Gaza Isniintii, kaas oo ahaa bartilmaameedka koowaad ee dagaalka ay ku doonayaan inay kula wareegaan qaybta waqooyi ee marinka Qaza, halkaas oo dhakhaatiirtu ay sheegeen in bukaannada ay ku jiraan carruurta cusub ay u dhimanayaan shidaal la’aan. Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Gaza Ashraf Al-Qidra, oo ku sugan gudaha cisbitaalka Al Shifa, ayaa sheegay in 32 bukaan ay dhinteen saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, oo ay ku jiraan saddex carruur ah oo dhawaan dhashay, taasoo ka dhalatay go’doominta cisbitaalka iyo koronto la’aan. Ugu yaraan 650 bukaan ayaa weli gudaha ku jiray cisbitaalkaas, iyagoo rajo ka qaba in Laanqeyrta Cas ama hay’ad kale oo dhexdhexaad ah ay u daadgureyso xarun kale oo caafimaad. Israa’iil waxay sheegtay in cisbitaalku uu ku fadhiyo godad sare oo xarun u ah dagaalyahannada Xamaas oo bukaannada u adeegsada gaashaan, taas oo Xamaas ay beenisay. “Taangiyada ayaa hor taagan cisbitaalka. Waxaan ku jirnaa xannibaad buuxda. Gebi ahaanba waa aag rayid ah. Kaliya xarunta cisbitaalka, bukaanada cisbitaalka, dhakhaatiirta iyo dadka kale ee rayidka ah ee cisbitaalka ku jira. Waa in nalaga joojiyaa dhibaatada,” ayuu yidhi Dr Ahmed El Mokhallalati oo dhakhtar qalliin oo ka tirsan cusbitaalka. “Waxay duqeeyeen taangiyadii (biyaha), waxay duqeeyeen ceelashii biyaha, sidoo kale waxay duqeeyeen mishiinkii Ogsajiinta, waxay duqeeyeen wax walba oo cisbitaalka yaallay, marka aad ayay noogu adag tahay inaan ka badbaadno, qof walba waxaan u sheegaynaa in cisbitaalku hadda aanu aheyn meel ammaan ah oo lagu daweyn karo.” ayuu raaciyay. Source Share this post Link to post Share on other sites