Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Sacad Muuse oo Saad iyo Sahay Gaadhsiiyay Deegaanada Saraar

Recommended Posts

Deeq A.   

Beesha Sacad Muuse oo Saad iyo Sahay Gaadhsiiyay Deegaanada Saraar

Hargeysa(Qaran news)- madaxdhaqameedka beelaha Gabiley Clan ayaa deeq saanad iyo sahay ah maanta gaadhsiiyay dadka rayidka ah ee isku abaabulay inay iska difaacaan duullaanka huwanta ee weerarada ku haya deegaannada gobolka Saraar.

Suldaan Maxamed Case iyo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka hadlay deeqdaas ayaa sheegay inay dadka reer Sool iyo Saraari ku taageerayaan difaaca deegaankooda iyo Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna ku ammaaneen siday ugu diyaar garoobeen cid kasta oo ku soo duusha.

Waxa kaloo ay cambaareeyeen falkii lagu dilay dadka rayidka ah ee deganaa tuulada Buqdharkeyn.

Madax dhaqameed iyo odayaal ka soo jeeda beesha bariga Burco ayaa taageerada iyo deeqdaas sahayda iyo saanada iskugu jirtay ka guddoomay beelaha Sacad Muuse, waxaanay tilmaameen inay uga mahadcelinayaan deeqdaas iyo is garab taaga ay u muujiyeen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this