Sign in to follow this  
Deeq A.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay arrin uu sameeyay Telefishanka Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   
271741377_297179959115284_41660735844301

Muqdisho (Caasimada Online) – Telefiishanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maalin kahor baahiyay warbixin xasaasi ah oo banaanka keentay xaqiiqada dhibaatada ka taagan magaalada Muqdisho, taasi oo ka dhalatay roobabkii u dambeeyay ee ka da’ay caasimada.

Warbixintan ayaa waxaa daaha looga fayday tayo xumada waddooyinka cusub ee muddooyinkii dambe uu maamulka gobolka Banaadir ka hirgelinayay caasimada, kuwaasi oo horey u raacay biyaha roobka.

Telefiishanka Qaranka ayaa saacado kadib ka saaray warbixinta muuqaalkaas dhamaan bogaga uu ku leeyahay baraha bulshada, waxaana la rumeysan yahay in tallaabada uu qaaday maamulka Telefishanka Qaranka ay ku timid dalab ka yimid maamulka gobolka, oo si weyn u dhibsaday warbixinta muuqaalkaasi.

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Waddooyinkii cusbaa ee uu hirgaliyay maamulka gobolka Banaadir oo horey u raacay biyaha Roobka,” ayaa waxay bulshada Soomaaliyeed ku tilmaameen tallaabada looga saaray bogaga Telefishanka Qaranka iyo guud ahaan warbaahinta dowladda ay tahay mid indhaha looga lalinayo xaqiiqada jirta, iyo dhibaatada biyaha iyo waddo xumada ee ka jirta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

“Telefishanka qaranka waa ku ceeb inuu ka saaro warbixin taabaneysa xaqiiqooyinka burburka waddooyinka lagu cunay dhismahooda malaayiinta dollar, ee sida Makeup-kii loo mariyay laamiga!. Dalkii waa mashruuc!,” ayuu yiri Ismaaciil Hefaw.

Cabdiraxmaan Macallim: “Ha ka saaraan waxay nasii tusaysaa shaqada naloo haayo iyo hagardaamada nalagu wado. Waxaa ceeb aheyn ukordhin mayso.”

“Dhibaatada jirta waxaa waaye in laamiyadii hore ee jajabay in caro kaliya lagu kor shubo kadibna laami uun lagu shubay waana qiyaano qaran!,” ayuu yiri Axmed.

Cabdulqaadir Dulyar: “Roobabku waa la xisaabtanka shirkadaha dhisa wadooyinka.”

“Waxaa yaab leh in laamigii dowladdii kacaanka uu weli sii nool yahay halka midkii dhawaan la dhisay uu burburay. Halkan waxaad ka ogaanaysaa in kacaanku diktaytarba ha ahaadee in uu waddani ahaa dal dhiska u hagar baxay,” ayuu yiri Hurre.

Nuuradiin Cabdikaafi: “Roobku waa fashiliyaha shirkadaha waddooyinka noo dhisa.”

The post Fal-celin xooggan oo ka dhalatay arrin uu sameeyay Telefishanka Qaranka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this