Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah la yeeshay Golaha Wasiirrada + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
400673123_698306975731785_72870710363475

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan deg-deg ah, kaasi oo uu shir-guddoomiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayey saameynta ka dhalatay roobabka wata daadadka xooggan ee ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan gurmadka socda ka dhageystay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo sheegay in xukuumaddu ay guddi heer qaran ah u saartay wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay El-Niño.

Madaxweynaha oo kulanka ka hadlay ayaa waxa uu ku ammaanay xukuumadda dadaalka ay gelisay samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka iyo daadadka, isaga oo ku boorriyay xubnaha guddiga in ay labo jibbaaraan dadaalkooda.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in dadka looga digo inay ka fogaadaan goobaha qatarta ah, sida meelaha godan iyo goobaha biyo mareennada ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale, oo kulankan aan caadiga ahayn ka qayb-galay ayaa wuxuu Golaha warbixin ka siiyay saameynta roobabku ku yeesheen gobolka Banaadir iyo dadaalka la xiriira arrintan ee uu wado maamulka gobolka.

Ugu dambeyntiina waxaa kulanka golaha lagu meel-mariyey xeer-nidaamiyaha nidaamka xaqiijinta macaamilaadka maaliyadeed iyo hubinta tayada Isgaarsiinta, kaasi oo looga gol-leeyahay in lagu maamulo dhammaan arrimaha la xiriira la-socodka iyo kor-joogteynta macaamilaadka iyo tayada adeegyada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

401747613_698307342398415_50707094209351

401632561_698307029065113_86282707537316

401637343_698307472398402_12824199155778

401683986_698306982398451_12077492850337

400676273_698307412398408_20429141147292

401652981_698307322398417_48473797649997

401662868_698307092398440_86183626473158

401620291_698306952398454_34719788341029

401714959_698306819065134_16308409543547

401729151_698306825731800_33339925438844

400673123_698306975731785_72870710363475

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah la yeeshay Golaha Wasiirrada + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this