Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex ay Xasan iyo Xamza ka sinaadeen iyo hal arrin oo ay ku kala duwanadeen

Recommended Posts

Deeq A.   
xasan-iyo-Xamza-Xamse.jpg2_.jpg?fit=2048

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kalmad uu dhawaan ka jeediyay shirka madaxda dalalka Islaamka ee ka dhacay Sacuudiga, wuxuu ku xoojiyay sida adag ee Soomaaliya u diidan tahay xasuuqa ka socda magaalada Gaza.

Madaxda dalalka Islaamka ayaa baddi lagu dhalleeceeyay inay awoodi waayeen inay mowqif adag ka qaatan xasuuqa ku socda dadka reer Falastiin, kuwaas oo laga dilay in ka badan 10 kun oo qof hal bil gudaheed.

Iyadda oo dhawaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu noqday hoggaamiyihii ugu mowqifka adkaa ee ka hadla arrinta magaalada Gaza, haddana waxaa markale dunida eegaysay sida madaxweyne Xasan Sheekh markale u qeexo mowqifka dowladdiisa.

Hadalka madaxweynaha iyo midka ra’iisul wasaaraha saddex dhinac waa iskaga mid, halka ay hal qodob ku kala duwanayeen.

Villa Somalia waxay sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu codkiisa ku biiriyay sida Soomaaliya u diidan tahay xasuuq isir sifeynta ah ee ka socda magaalada Gaza.

Xasan Sheekh wuxuu kale oo xalka ku xiray dowlad madax-banaan oo ay Falastiin leedahay, taasi oo caasimadeeda tahay Qudus.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ku baaqay in loo baahan yahay in madaxda dalalka Islaamka go’aan mideysan ka qaatan waxa ka socda magaalada Gaza, oo uu ku tilmaamay wax ka baxsan bini’aadanimada iyo xeerarka caalamiga ah.

In Soomaaliya si walba oo ay dagaallo iyo dhibaatooyin u hayaan in aanay marnaba ka gorgortameyn garab istaaga reer Falastiin, ayuu sidoo kale sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Saddexda dhinac ee Xamza iyo Xasan Sheekh iska yeesheen marka qadiyadda Falastiin laga hadlayo, ayaa kala ah;

1. In magaalada Gaza uu ka socdo xasuuq aan la aqbali karin oo isir sifeyn ah.

2. In Soomaaliya xalka u aragto in la helo dowlad madax-banaan oo ay Falastiiniyiinta leeyihiin oo xarunteedu tahay Qudus.

3. In xaalad kasta oo ay Soomaaliya ku jirto in aanay ka gorgortameyn garab istaaga reer Falastiin.

Waxaa jira hal qoddob oo ra’iisul wasaare Xamza soo hadal qaaday, balse uusan taaban madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waana kooxda Xamaas.

Marka la isku geeyo labada hadal ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, nuxurku waa in Soomaaliya ay si buuxda u garab istaagto reer Falastiin, oo aanay meel dhexe ka istaagin qadiyadda maanta ugu weyn caalamka.

Madaxda caalamka ayaa baddi si weyn u cambaareeyay xasuuqa ka socda magaalada Gaza, laakiin Israa’iil taas waxba kama beddelin, waxayna weli sii wada dhibaatada joogtada ah ee ay ka geysaneyso Gaza.

Duulaankaan lagu xasuuqayo dadka rayidka ah ayaa meel cidlo ah soo istaajiyay sheegashadii dalalka Reer Galbeedka ee ilaaalinta xuquuqda aadanaha.

The post Saddex ay Xasan iyo Xamza ka sinaadeen iyo hal arrin oo ay ku kala duwanadeen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this