Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Fatahaado cusub oo ka hilawday Sh/Hoose iyo Xasan Sheekh ka hadlay…

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_5888.jpeg?fit=776%2C516&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay ku fatahay deegaannada Buula-mareer iyo Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana sawiro halkaas laga soo qaaday muujinayaan saameynta iyo fataahadda Wabiga

Dadka ku nool deegaanada uu fatahaada ka geystay wabiga Shabeelle ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in kannaalada biyaha Wabiga gudbiya ay sababeen fataahadda, waxayna saameyn xooggan ku yeesheen dalaggii Beeraha ee dhawaan la beeray

Sidoo kale degmooyinka Afgooye, Awdheegle iyo deegaanka Jannaale ayaa iyana laga soo sheegayaa in webiga Shabeelle uu ku fatahay, inkastoo aan ilaa iyo hadda wax khasaare nafeed ah laga soo warin.

Fatahaadaha ay geysanayaan wabiyada mara dalka iyo daadadka ka dhashay roobka deyrta ayaa saameyn culus ku yeeshay dadka Soomaaliyeed ee ku nool inta badan degmooyinka iyo deegaanada koonfurta Soomaaliya.

Magaalooyin ay ugu horeeyaan Beledweyne iyo Baardheere ayey ka dhaceen fatahaadaha ugu daran, waxaana iska soo daba dhaceysa qeylo dhaanta dadka dalbanaya in la caawiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya, kulankaas waxaa looga tashaday sidii loogu gurman lahaa dadka fatahaaduhu saameeyeen.

Xasan Sheekh oo shir guddoomiyey kulanka ayaa ku ku boorriyay xukuumadda in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta iyo gurmadka muwaadiniinta ku dhibaatoobay daadadka xooggan ee ku soo rogmay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa in la caawiyo dadka ku dhex go’doonsan magaalooyinka ay biyuhu harqiyeen, waxaana maalmihii lasoo dhaafay doomo loo diray degmooyinka ugu waaweyn gobolka Gedo oo fatahaada ugu daran ay saameysay.

Hoos ka daawo dardaarankii Madaxweynaha

The post Daawo: Fatahaado cusub oo ka hilawday Sh/Hoose iyo Xasan Sheekh ka hadlay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this