Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar arrin oo haddii uu xaqiijiyo Xasan Sheekh wax weyn ka badali doona Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
350102716_777034380495805_64361108249818

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxaa kusoo wajahan maalmo waaweyn dal ahaan iyo dowlad ahaanba. Dowladda xukunka joogta waxyaalaha marwalba looga fadhiyo waa shaqo joogto ah iyo wax ku biirinta hadafyada waara ee qaranka.

Afartaan qoddob waa qaas marka laga hadlayo Soomaaliya iyo 120 cisho ee soo aadan, waxayna kala yihiin;

1. Qaadista cuna-qabateynta

1992-dii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa meel-mariyay qaraarkii cuna-qabateynta hubka lagu saaray Soomaaliya, xilli uu dalka ku jiray dagaal sokeeye.

31 sano kadib Soomaaliya waxay bishan November dhexdeeda rejaynaysaa in laga qaado cuna-qabateynta hubka ama si weyn loo khafiifiyo si ay dowladda Soomaaliya u soo iibsato hub ku filan difaaca dalka iyo ciribtirka argagixisada.

Haddii toos loo wada qaado cuna-qabateynta hubka, sida ay rejaynayso dowladda Soomaaliya wuxuu noqon doona hadaf weyn oo lagu guuleystay.

2. Ku biirista ururka EAC

Midda labaad waa arrin ugub ku ah Soomaalida, laakiin ay weligeed sugayeen.

Waa ku biirista Ururka Bulshada Bariga Afrika. Inta uusan sanadkan dhamaan ama billowga Janaayo 2024, Soomaaliya waxay sugaysaa inay toos ugu biirto East Afrika Community, oo ay hadda ku jiraan dalalka DR Congo, Tanzania, Kenya, Burundi, Rwanda, South Sudan iyo Uganda.

Ku biirista ururkan ayaa dadka Soomaalida ah siinaysa suuq iyo socdaal furan oo dalalkaas ah iyo fursado kale. Marar badan ayay Soomaalidu hore u raadisay xubinimada ururkaan laakiin waa laga diiday.

3. Deyn cafinta

Dabayaqada bisha soo socota ee December, ama horraanta Janaayo 2024 Soomaaliya ayaa laga cafin doona deyn dhan 5.2 Bilyan oo dollar.

Shaqada deyn cafinta ayaa soo socotay muddo 11 sano ah. In Soomaaliya deynta laga cafiyo ayaa sahli doonta maalgashi caalami ah, dalka inuu deyn cusub heli karo iyo inuu noqdo qaran aan qaameysneyn oo dib isku qaabeyn karo.

4. Argagixisada oo lasoo dhaafinayo Galmudug iyo HirShabeelle

Dhowr safar oo ay Imaaraadka, Sacuudiga iyo UK ay ku jiraan kadib, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu dib ugu laabto furimaha dagaalka.

Ciidanka cusub ee tababarka ka yimid, Macaawilseyda dhawaan la qoray ee hoggaanka loo sameeyay iyo isbeddalka lagu sameeyay masaafada ay diyaaradaha Turkiga wax duqeyn karaan ayaa bixineysa saadaal fiican oo ah in si deg deg ah argagixisada looga soo saari doono deegaanada ay kaga harsan yihiin Galmudug iyo HirShabeelle.

Afartaan arrimood ee waaweyn oo dhamaan saameynaya amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa la sugayaa in lagu guuleysto 120 cisho ee soo socota, taasi oo hordhac ka siineysa jihada uu dalka u socdo iyo halka uu madaxweyne Xasan Sheekh wax gaarsiin karo inta lagu jiro muddo xileedkiisa.

The post Afar arrin oo haddii uu xaqiijiyo Xasan Sheekh wax weyn ka badali doona Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this