Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalka Jabuuti oo dayax-gacmeedka hawada sare u dirtay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ee dalku leeyahay kaas oo muddo lagu waday horumarin iyo tijaabooyin hirgalintiisa.

Howlgalkan hawada sare ee Jabuuti waxaa wadajir loogu dhisay ka dib iskaashi dhex maray Djibouti iyo Center Spatial Universitaire de Montpellier ee Faransiiska.

Koox la soo xulay oo ardayda reer Jabuuti ah ayaa noqday qayb ka mid ah geeddi-socodkii laga bilaabo diyaarinta naqshada ilaa dhammaystirka farsamada iyadoo ay haganayaan injineerro khabiir ah oo jooga Faransiiska.
388c9b80-8180-11ee-8b17-2bd77203408f.jpg
Dayax gacmeedkan oo lagu magaaco Djaibouti-1A ayaa soo aruurinaya xogaha iyo macluumaadka ku saabsan isbaddalka cimilada iyo cilmi baarisaha

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jabuuti Nabiil Maxamed Ahmed oo ka hadlay hirgalinta mashruucan ayaa xusay inuu dalka u yahay fursad bilow ah oo ay ku horumarinayaan cilmi baarisyda

“Waxaanu diyaarinay dhammaan waxyaabihii lagama maarmaanka u ahaa in mashruucan lagu guuleysto oo ay ugu horreyso xulashada ardayda Jabuuti soo saaraan si ay u sameeyaan horukac dhanka tiknoolajiyada taas oo horseedaysa in Djibouti ay awood u leedahay inay soo saarto dayax-gacmeedka oo ay hawada u dirto dayax gacmeedkan” ayuu yiri Nabiil

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in mashruucan dayax gacmeedka ay jabuuti ugu tababarteen ilaa 10 qof oo isugu jira Imgineero iyo farsamayaqaano iyagoo sidoo kale horumarin lagu sameeyey habka soft wareka.

Dayax gacmeedkan waxaa uu dalka Jabuuti ka caawin doonaa inay helaan xogta dalka waqtiyada loo baahan yhay gaar ahaan heerkullka, roobabka, gaar ahaan xaddigga biyaha roobabku dhigaan.

Sidoo kale waxaa kaalin weyn ka tarayaa dayax gacmeedkan sida kor loogu qaado beeraha oo si wanaagsan loola socdo isbeddellada deegaanka ee waddanka oo dhan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa toos u daawanayey xilligii hawada loo dirayey dayax gacmeedka dalkiisu u diray hawada sare.

Dayax gacmeedka ayaa sanadkan 2023-ka maray tijaabo adag isagoo Jabuuti ku tilmaamtay horumar dhanka tecnolajiyada oo dalku gaaray

Dalkan ku yaala bariga Afrika ayaa xusaya horumar tignoolajiyada ah oo muhiim ah taas oo muujinaysa guul weyn oo u soo hoyatay isku filnaanta tignoolajiyadda Djibouti iyo horumarka sayniska.

Waxay u oggolaanaysaa Djibouti inay door firfircoon ku yeelato bulshada hawada sare ee caalamka oo ay wax ka qabato caqabadaha ka jira xudduudaheeda.

Dhacdadan taariikhiga ah waxay ka dhacday Saldhigga Ciidanka Cirka ee Vandenberg dalkuna wuxuu hamigan galiyey muddo sanadaa.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay Jabuuti hawada hiigsato. Horraantii sanadkan ayay ahayd markii madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu ku dhawaaqay in Jabuuti ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay Afrika ee dekad ka fura hawada.

Madaxweynaha ayaa horraantii January bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in dalkiisa uu qorsheynayo dekaddan hawada sare laga dhisayo, iyadoo lala kaashanayo shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee Hong Kong Aerospace Technology. Waa mashruuc weyn oo dalkan Geeska Afrika ku yaalla uu ku horumarinaypo dhaqaalihiisa.

Jabuuti ayaa in muddo ah ku tiirsaneyd dhulkeeda istaraatiijiga ah ee Badda Cas ku xeeran, waana mid ka mid ah marinnada ganacsi ee ugu mashquulka badan adduunka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this