Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Cadaaladda oo Kulan Riyaad Kula Qaatay Dhiggiisa Dalka Marsar

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ay kamid yihiin xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Sulaymaan Maxamuud iyo Garsoore Sheekh Saalax Dhiblaawe oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka ayaa Qaahira kulan miro dhal ah kula qaatay wasiirka caddaaladda dowladda Masar, Mudane Cumar Marwaan.


Kulanka Labada wasiir ayaa looga hadlay iskaashi dhanka arrimaha Caddaaladda, sharciyadda iyo garsoorka oo ay yeeshaan labada dowlad ee walalaha ah.


Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud oo dhigiisa Masar uga mahad celiyay casuumaadda milgaha leh, ayaa bogaadiyay horumarka dhanka adeegyadda cadaaladda iyo garsoorka ee dalka Masar.


Wasiirrada Caddaaladda ee labada dowladood ayaa caddeeyay muhiimadda ay leedahay xiriirka taariikhiiga ah ee Masar iyo Soomaaliya iyo sida ay labada dowladood ee walaalaha ah ugu heelan yihiin xoojinta xiriirka iskaashi ee dhinacyada badan, waxa ayna isla garteen in la kala saxiixdo heshiis is-afgarad ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this