Deeq A. Posted November 13, 2023 Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay halkaasi. Qaraxa oo ahaa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay isgoyska Ceelasha Biyaha, waxaana ka dhashay dhaawaca laba askari, sida aan xogta ku helnay. Ciidamada la qarxiyay ayaa sidoo kale howlgal ka sameeyay xaafado ka tirsan Ceelashaha Biyaha, balse ma jirto cid ay usoo qabteen qaraxaasi loo dhigay. Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay inay khasaare ku gaarsiisay askar ka tirsan ciidamada dowladda. Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, deegaan weynaha Ceelasha Biyaha ee Shabeelaha Hoose. Weerarkan waxaa ka horreeyay qarax todobaadkii hore lagu xiray xarun ay shirkadda Hormuud ku leedahay xaafada Jabad Geele ee deegaankaasi, kaas oo dhaliyay burbur. Weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada dhankooda ciidamada ammaanka ay kordhiyeen howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.The post Faahfaahinta qarax ka dhacay duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites