Deeq A. Posted November 13, 2023 Garoowe (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa dowladda Puntland ugu baaqday in ay doorkeeda ka qaadato hirgelinta heshiis nabadeed oo lagu dhammeeyo colaadda labada maamul ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo. Baaqaas waxa jeedisay ereyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Liang oo Sabtidii ka hadlaysay magaalada Garoowe halkaas oo ay kulan kula yeelatay madaxda sare ee Puntland. “Waxaan Puntland ugu baaqaynaa in ay doorkeeda ka qaadato dhiirrigelinta in labada dhinac ay khilaafkooda ku xalliyaan si nabadgelyo ah si loo hubiyo in aanu gacan-ka-hadalku mar kale kor u kicin”. “Waa in ay jiraan tallaabooyin lagu soo celinayo is-aaminaadda oo la halmaala is-dhaafsashada maxaabiista sidaa daraaddeed in Puntland ay doorkeeda qaadato iyada oo adeegsaneysa xiriirka sokeeyenimo ee qabaa’ilka si loo hubiyo in waddo nabadeed lagu socdo” ayay tiri marwo Catriona Liang. Waxay sidoo kale Puntland ku amaantay in ay marti-gelisay in ka badan 100,000 oo rayid ah kuwaas oo bara-kacay markii ay socdeen dagaalladii Laascaanood “Waan ogsoonahay in ay taasi ahayd mas’uuliyad aad u weyn waxaana Puntland uga mahadcelineynaa sida diirran ee ay u qaabishey dadkaa” ayay sii raacisay. Dagaalkii ugu dambeeyey ee dhinacyada oo 9-kii bishan dhacay ayaa waxaa ku dhintay 20 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo labada dhinac, waxaa sidoo kale jira gaadiid laga qabsaday Somaliland. Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii ugu dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kadib markii Somaliland laga qabsaday xerada Goojacadde.The post QM oo Puntland ka dalbatay in Somaliland iyo SSC ay… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites